Madaxweynaha Dalka Austria oo Warqadaha Aqoonsiga Ka Guddoomay Safiirka Soomaaliya -Sawirro

0
Tuesday January 14, 2020 - 12:50:04 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 44
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Dalka Austria oo Warqadaha Aqoonsiga Ka Guddoomay Safiirka Soomaaliya -Sawirro

    Madaxweynaha Dalka Austria Alexander van Der ayaa warqadaha aqoonsiga danjirinimo ka guddoomay Danjiraha cusub ee dowlada Soomaaliya u magacowday dalkaas Ebyan Maxamed Saalax Ladane.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dalka Austria Alexander van Der ayaa warqadaha aqoonsiga danjirinimo ka guddoomay Danjiraha cusub ee dowlada Soomaaliya u magacowday dalkaas Ebyan Maxamed Saalax Ladane.


Safiirka Soomalaiya u magacaawdey dalka Austria danjire Ebyan Maxamed Saalax Ladane ayaa uga mahad celisey Madaxweynaha dalkaas soo dhoweynta loo sameeyey, iyadoo balan-qaaday iney xoojin doonto xiriirka saaxiibtnimo ee ka dhexeeya labada dal.

Madaxweynaha Austria Alexander van Der Bellen ayaa sheegay in dowladiisu ay diyaar u tahay inay la shaqeyso Safiirka cusub ee Soomaaliya, wuxuuna xusay in labada dal uu ka dhexeeyo xiriir qoto dheer oo muddo dheer soo jiray iyo iskaashi dhinacyo badan taabanaya.

Madaxweyne Alexander van Der Bellen ayaa danjiraha cusub ee dalka Soomaaliya u rajeeyay inay ku guulaysato gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed iyo ay ka shaqeeyso xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ay wadaagaan labada dal.

"Waxaa sharaf ii ahayd inaan u gudbiyo warqadihii aqoonsiga ee Danjirenimo Mudane Alexander Van der Bellen, Madaxweynaha Dalka Austria, fadhigayguna yahay Geneva, Switzerland. Xafladda, waxaa igu weheliyey Mr. Salah Moallim Abubakar oo ah Xoghayaha Labaad ee Safaaraddeena, Geneva ee Waddanka Switzerland” ayey boggeeda facebook ku soo qortay danjire Abyan.

Amb. Ebyan Maxamed Saalad oo laga dhigay Safiirka Soomaaliya ee Austria ayaa sidoo kale waxaa ay tahay Danjiraha Soomaaliya ee Switzerland iyo xarunta labaad ee Qaramada Midoobey ee Magaalada Geneva.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip