Al-Shabaab oo Sheegtay Inay Dib Ula Wareegtay Deegaanka Tooratooroow.

0
Tuesday January 14, 2020 - 12:35:35 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 55
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Shabaab oo Sheegtay Inay Dib Ula Wareegtay Deegaanka Tooratooroow.

    Al-Shabaab ayaa sheegtay iney dib ula wareegtay degaanka Tooratoorow ee gobolka Sh/hoose oo shalay ay qabsadeen ciidanka xoogga dalka gaar ahaan kuwa kumandoska ee loo yaqaan Danab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Al-Shabaab ayaa sheegtay iney dib ula wareegtay degaanka Tooratoorow ee gobolka Sh/hoose oo shalay ay qabsadeen ciidanka xoogga dalka gaar ahaan kuwa kumandoska ee loo yaqaan Danab.


Wararka aan ka heleyno deegaanka Tooratooroow ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas ay isaga baxeen Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab kadib markii shalay halkaas la wareegeen.

Ciidamada Danab ayaa Al-shabaab kala wareegay gacanta ku heynta deegaanka Tooratooroow oo ay in muddo ah ay ku sugnaayeen, isla markaana ku lahaa Maxkamado waaweyn.

Ciidanka Danab ayaa Tooratooroow qabsaday iyada oo wax dagaal ah uusan ka dhicin, waxaana markii hore halkaas isaga baxay dagaalamayaashii Al-shabaab ee ku sugnaa, sidaasina ay Ciidanka dowladda ugu suura-gashay inay la wareegaan.

Sawrirro laga soo qaaday Ciidanka dowladda laguna faafiyay baraha Bulshada ayaa lagu arkayay iyaga oo ku sugnaa deegaanka, isla markaana shacab badan kula hadlayay halkaas.

War qoraal ah o lagu faafiyay baraha internet-ka Al-shabaa waxaa ay ku sheegeen in Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab ay isaga baxeen deegaaanka Tooratooroow ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo shalay ay la wareegeen.

Sidoo kale Warka Al-shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidanka dowladda Federaalka ay dib ugu laabteen dhanka Garoonka Balidoogle oo markii horey ay kasoo ruuqaansadeen isla markaana Al-shabaab ay dib u qabsadeen Tooratooroow.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Kumaandooska ayaa laga soo xigtay in xeelad dagaal uga baxeen deegaanka, waxaana ay sheegeen in howlgalka markii hore lagu galay uu qorshihiisa ahaa in lagu soo qabto xubno bartilmaameed ahaa.

Ma jirto weli wax war ah oo dhankooda kasoo baxay Saraakiisha Ciidamaa Dowladda ee ku sugan Gobolka Shabeellaha Hoose, sidoo kalena lama hayo warar madax banana oo xaqiijinaya ama beeninaya sheegashada Al-shabaab.

Ciidamada dowladda ayaa dhowr jeer oo hore isaga soo baxay deegaanka Tooratoorow, kaddib markii ay la wareegeen, waxaana deegaankan uu ahaa mid jahwareer uu ka taagnaa maamulkiisa oo tiro dhowr jeer uu gacmo kala duwan uu galay.

Al-Shabaab ayaa Tooratoorow u aheyd deegaan istiraatiiji ah oo ay ku yaallaan Maxkamad iyo goob ay ku qaadaan lacagaha canshuuraha iyo zakawaatka loo yaqaano.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip