Taliska Danab oo Shaaciyay in Ay Qabteen Sargaal iyo Dagaalyahano Badan oo Katirsan Al-Shabaab -Sawirro

0
Monday January 13, 2020 - 17:57:02 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 59
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliska Danab oo Shaaciyay in Ay Qabteen Sargaal iyo Dagaalyahano Badan oo Katirsan Al-Shabaab -Sawirro

    Taliska Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay howlgal maanta kula wareegeen deegaanka Tooro Toorow ee gobolka Shabeelaha Hoose halkaas oo ay gacanta ku hayeen dagaalyahanada Al Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay howlgal maanta kula wareegeen deegaanka Tooro Toorow ee gobolka Shabeelaha Hoose halkaas oo ay gacanta ku hayeen dagaalyahanada Al Shabaab.


Taliyaha Guutada 16-aad ee ciidanka Kumaandooska  G/le Ismaacil Maalin ayaa sheegay in inta uu howlgalka socday Ciidamadda ay nolosha ku qabteen 10 katirsan Al-Shabaab oo uu kamid yahay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Shabeellaha Hoose Macalin Abuukar.

Taliyaha ayaa xusay in deegaanka Toora toorow inay ku taalay maxkamad uu sheegay in ay Xarakada Al-Shabaab Shacabka Soomaaliyeed uga qaadi jireen lacag fara badan oo ay ku sheegeen Zakawaad.

Deegaanka Tooro Toorow ayaa Al Shabaab u aheyd sanadihii lasoo dhaafay xarun muhiim ah ay ku howl galaan, waxaana xaruntaasi ku taalay maxkamad ay inta badan tagi jireen ganacsatada iyo sidoo kale dadka dacwadaha isku heesta ee Muqdisho jooga.

Ciidamada Danab ayaa la sheegay in howlgalo baaritaano ah ka wadaan xarumo ay Al Shabaab ka degnaayeen deegaanka Tooro Toorow iyo guryo halkaasi kuyaala ay degnaayeen dagaalyahano iyo masuuliyiin katirsan Al Shabaab.

Howlgalkani ay maanta Danab kula wareegeen Tooro Toorow  ayaa qeyb ka ah howlgalo Ciidamada  Danab Al Shabaab kaga saarayaan deegaannada Gobolka Shabeellaha Hoose, iyaga oo horey ula wareegay degaanada Sabiib, Caanoole iyo degmada Awdheegle.

Al Shabaab ayaan wali ka hadlin howlgalkan looga saaray deegaanka Tooro Toorow iyo warkan kasoo baxay Taliska Danab ee ku aadan iyo masuuliyiin iyo dagaalyahano looga qabtay howlgalka Tooro Toorow.














Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip