Ciidamada Danab oo La Wareegay Deegaan Muhiim u Ahaa Dagaalyahanada Al-Shabaab.

0
Monday January 13, 2020 - 15:54:51 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 48
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Danab oo La Wareegay Deegaan Muhiim u Ahaa Dagaalyahanada Al-Shabaab.

    Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliga gaar ahaan kuwa Kumaandooska ee loo yaqaan Danab ayaa Al Shabaab kala wareegay Deegaanka Tooro Toorow ee gobolka Shabeelaha Hoose halkaasoo aheyd xaruntii ugu weyneyd Al-Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliga gaar ahaan kuwa Kumaandooska ee loo yaqaan Danab ayaa Al Shabaab kala wareegay Deegaanka Tooro Toorow ee gobolka Shabeelaha Hoose halkaasoo aheyd xaruntii ugu weyneyd Al-Shabaab.


Sargaal katirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada Danab Al Shabaab kala wareegeen deegaanka Tooto Toorow, waxa uuna sheegay in dagaalyahanadii deegaankaasi joogay ay firxadeen.

Deegaanka Tooro Toorow ayaa Al Shabaab u aheyd sanadihii lasoo dhaafay xarun muhiim ah ay ku howl galaan, waxaana xaruntaasi ku taalay maxkamad ay inta badan tagi jireen ganacsatada iyo sidoo kale dadka dacwadaha isku heesta ee Muqdisho jooga.

Ciidamada Danab ayaa la sheegay in howlgalo baaritaano ah ka wadaan xarumo ay Al Shabaab ka degnaayeen deegaanka Tooro Toorow iyo guryo halkaasi kuyaala ay degnaayeen dagaalyahano iyo masuuliyiin katirsan Al Shabaab.

Muddooyinkii u dambeeyay waxaa deegaankaas la sheegay in lagu uruuriyay lacagaha canshuuraha ee Al-Shabaab ka qaadaan ganacsatada.

Toddobaadkii hore ayey ahayd markii Al-Shabaab ay weerar dhabbagal ah ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa dawladda oo marayey jidka Afgooye iyo Wanlaweyn halkaasi oo uu ka dhacay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed.

Al-Shabaab ayaan wali ka hadlin howlgalkan ciidamada dowlada kula wareegeen deegaanbka Tooro Toorow, mana ahan markii ugu horeesay ciidamada dowlada tagana deegaankaasi ay xili hore mar qabsadeen balse dib uga soo baxeen.

Sanadkii la soo dhaafay Ciidanka xoogga dalka ayaa la wareegay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip