Madaxweyne Farmaajo oo Dalka Cummaan u Aaday Ka Qeyb Galka Tacsida Suldaan Qaboos.

0
Monday January 13, 2020 - 13:44:31 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 46
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo oo Dalka Cummaan u Aaday Ka Qeyb Galka Tacsida Suldaan Qaboos.

    Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi la socda ayaa ka ambabaxy magaalada Muqdisho iyagoo kusii jeeda dalka Cummaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi la socda ayaa ka ambabaxy magaalada Muqdisho iyagoo kusii jeeda dalka Cummaan.


Madaxweyne Farmaajo ayaa dalka Cumaan u aaday si uu uga qayb-galo tacsida qaran ee loo sameenayo Suldaankii Wadankaasi Suldaan Qaboos Bin Saciid oo habeenkii jimcada geeriyooday.

Sida wararku sheegayaan Madaxweyne Farmaajo ayaa diyaarad qaas ah ay saaka ka qaaday garoonka diyaaradaha Muqdisho, isagoo ku sii jeeda Caasimada Muscat.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka mid noqon doona Madax ka socota Caalamka oo qulqulaya dalka Cummaan si ay uga qeyb qaataan tacsida qaran ee loo sameynayo Suldaan Qaboos bin Said Al Said oo maalmo ka hor geeriyooday.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa gaaray dalka Cummaan madax ka socota Caalamka, waxaana ay ka tacsiyo gudanayeen Suldaanka cusub ee Cumaan Suldaan cusub ee Cummaan Sultan Haitham bin Tariq Al Said, kaddib geeridii Suldaan Qaboos.

Suldaan Qaboos ayaa ahaa Hoggaamiyihii ugu xukunka dheeraa ee Carab, waxaana uu ka talinayay Saldanada Cumaan muddo 50 sano ah.

Safarka Madaxweyne Farmaajo dalka uga dhoofay ayaana ahaa mid deg deg ah, waxa uuna Madaxweynaha dhawaan kasoo laabtay Safar shaqo uu ku tagay magaalada Asmara ee caasimada Dalka Eritrea.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip