Al-Shabaab oo Fagaare Ku Yaalla Sh/Hoose Ku Dishay Afar Nin oo Ay Qabteen (Akhriso Magacyada)

0
Monday January 13, 2020 - 13:18:46 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 53
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Shabaab oo Fagaare Ku Yaalla Sh/Hoose Ku Dishay Afar Nin oo Ay Qabteen (Akhriso Magacyada)

    Fagaare kuyaala deegaanka Sablaale ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa Al Shabaab waxa ay ku toogteen afar nin ay ku eedeeyeen in ay katirsanaayeen ciidanka dowlada federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fagaare kuyaala deegaanka Sablaale ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa Al Shabaab waxa ay ku toogteen afar nin ay ku eedeeyeen in ay katirsanaayeen ciidanka dowlada federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed.


Maxkamada Al Shabaab ayaa sheegtay dhamaan afarta nin ee xukunka dilka ah lagu fuliyay ay qirteen dambiyadii lagu soo eedeeyay ee ahaa in ay katirsanaayeen qaarkood ciidanka dowlada iyo maamulka Koonfur Galbeed.

War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in afarta ruux ay kala ahaayeen.

1- Ayuub Xassan Buraale 23 jir ah oo ay sheegeen in uu ka tirsanaa Maamulka degmada Kuntuwaareey uguna Magacaawnaa dhirta iyo daaqa.

2- Xassan Cusmaan Cali (Abayle) 40 jir oo ay Shabaab sheegeen in uu ka tirsanaa Ciidamada dowladda ee degmada Baraawe ka howlgallaan aadna looga yaqaanay degmadaas.

3- Xassan Faarax Maxamad (Gambiye) oo da’diisu lagu sheegay 40 jir ayay Shabaab sheegeen in uu ka tirsanaa Ciidamada dowladda,isla markaana ay qabteen,isaga oo ku wajahnaa degmada buulo Burde ee Gobolka Hiiraan.

4- Xuseen Xassan Geelle 30 jir ah oo ah ninka Afaraad ayaa Al-Shabaab ay sheegeen in uu ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya,isla markaana laga soo qabtay deegaanka Dacaaraha oo u dhow degmada Qoryooley ee G/Shabeellaha Hoose.

Fagaaraha ragan lagu tooganayay ayaa waxaa joogay saraakiil katirsan Al Shabaab iyo dadweyne badan oo usoo daawasho tagay qaabka Al Shabaab xukunka dilka ah ugu fulineysay ragaasi gacantooda ku jiray.

Al Shabaab ayaa marar badan goobo fagaare ah ku toogatay dad kala duwan oo ay eedeeyeen, waxaana dadkaasi qaarkood Al Shabaab ka dhax qabteen deegaanada ay maamulaan .




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip