Gudoomiyihii Maxkamada Sare ee Ciidamada Puntland iyo Xubno Kale oo Xilakii Laga Qaaday.

0
Sunday January 12, 2020 - 18:57:46 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 59
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyihii Maxkamada Sare ee Ciidamada Puntland iyo Xubno Kale oo Xilakii Laga Qaaday.

    Madaxweynaha Puntland Oo Magacaabis iyo Xil-kaqaadis ku sameeyay Guddoonka iyo xubno ka tirsan Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida Iyo Danbiyada Culus Ee Puntland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Puntland Oo Magacaabis iyo Xil-kaqaadis ku sameeyay Guddoonka iyo xubno ka tirsan Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida Iyo Danbiyada Culus Ee Puntland.


Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo soo saaray Xeer Madaxweyne Lr.09 kuna taariikheysan 12 January, 2020 ayaa Guddoomiye Ku meel gaar ah u magacaabay Maxkamadda Sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada culus ee Dowladda Puntland.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu xilka-qaadis ku sameeyay Guddoonka iyo Garsoorayaal ka tirsan Maxkamadda Sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad, faqraddiisa 19-aad.

Markuu arkay: Qodobka 87-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland

Markuu arkay: Cabashooyinka taxanaha ah ee caddaalad-darro oo ka imanaya mas’uuliyiinta Dowladda qaarkood iyo dadweynaha Puntland.

Markuu garowsadey: In dib-u-habeyn lagu sameeyo guddoonka iyo garsooreyaasha Maxkamadaha Sare ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Danbiyada Culus ee Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa G/Sare. Axmed Cabdi Bootaan si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Dowladda Puntland.

2. Waxaa xilka qaadis lagu sameeyey Guddoonka iyo Garsoorayaal ka tirsan Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Dowladda Puntland, kuwaasi oo kala ah:

2.1. S/guuto. Siciid Abyan Cigaal Guddoomiye
2.2. G/sare. Maxamuud Nuur Muuse Guddoomiye ku-xigeen
2.3. G/sare. Aada Xuseen Maxamed Garsoore
2.4. G/sare. Maxamed Aadan Jaamac Garsoore
2.5. G/sare. Cabdirisaaq Axmed Cali Garsoore
2.6. G/sare. Cabdifitaax Xaaji Aadan Garsoore

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip