Xildhibaano Cusub oo Ka Mid Noqday Baarlamaanka Galmudug (Akhriso Magacyada iyo Qabiilka)

0
Sunday January 12, 2020 - 18:21:40 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 64
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaano Cusub oo Ka Mid Noqday Baarlamaanka Galmudug (Akhriso Magacyada iyo Qabiilka)

    Guddiga farsamada maamul dhisida dowlad goboleedka Galmudug ayaa shaaciyay magacyada iyo beelaha ay ka soo jeedaan saddex xildhibaan oo ka mid noqonaya baarlamaanka 2aad ee Galmudug.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga farsamada maamul dhisida dowlad goboleedka Galmudug ayaa shaaciyay magacyada iyo beelaha ay ka soo jeedaan saddex xildhibaan oo ka mid noqonaya baarlamaanka 2aad ee Galmudug.


Saddexdan xildhibaan ayaa waxaa ka mid ah xildhibaan Cabdinaasir Aadan Cismaan oo hore guddiga labo jeer dib u celiyay sida ay sheegeen qaar ka mid ah odayaasha saxiixa ee beesha uu ka soo jeedo.

Xidhibaankan oo ka soo jeeda beesha Wacaysle ayaa la tuhmayaa inuu isu soo sharaxayo guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka 2aad ee Galmudug.

Guddiga ayaa sidoo kale Maanta soo gudbiyey boosaskii ka banaanaa Beelaha Sacad iyo Saleebaan oo ay kala matalayaan Maxamuud Diini Xasan iyo Cabdirisaaq Cali Axmed.

Guddiga Farsamada iyo maamul u dhisida Galmudug ayaa horey ugu dhawaaqay 83-Xildhibaan oo kamid noqonaya Baarlamaanka Galmudug, waxaana hada harsan ilaa 3-Xildhibaan oo la sheegay in wali khilaaf ka jiro.

Shaacinta saddexdan xildhibaan ayaa ku soo beegmaya iyadoo maanta ay kulankii ugu horeeyay ay yeesheen xildhibaanada baarlamaanka 2aad ee Galmudug kuwaasoo si kumeelgaar ah u doortay guddoomiye.

Halkaan hoose ka akhriso waraaqda kasoo baxday Guddiga Doorashada Galmudug:-




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip