Baarlamaanka Cusub ee Maamulka Galmudug oo Maanta Yeelanaya Gudoon KMG Ah.

0
Sunday January 12, 2020 - 13:43:23 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 62
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarlamaanka Cusub ee Maamulka Galmudug oo Maanta Yeelanaya Gudoon KMG Ah.

    Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Dhuusomareeb ee xarunta Maamulka Galmudug kulankii ugu horeeyay ku yeeshaan Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Galmudug oo shalay la dhaariyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Dhuusomareeb ee xarunta Maamulka Galmudug kulankii ugu horeeyay ku yeeshaan Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Galmudug oo shalay la dhaariyay.


Xidhibaanada ayaa kulankooda ugu horeeya ika dhax xulan dooba Hogaan KMG ah inta laga soo dooranayo Gudoonka Baarlamaanka waxaana Baarlamaanka Gudoomiye usii noqon doona ninka ugu da’da weyn.

Guddoomiyaha KMG ah ayaa soo magacaabi doona guddi doorasho, kuwaasoo diyaarin doona qaabka ay noqoneyso doorashada Guddoomiyaha iyo Kuxigeenada baarlamaanka Galmudug.

Caasimadda Galmudug waxaa durba ka bilowday ololaha loogu jiri kursiga Guddoonka Baarlamaanka, iyadoo Xukuumadda ay dooneyso inay soo saarato Guddoomiye ay wadato.

Baarlamaanka cusub uu yeeshay maamulka Galmudug ayaa la filayaa in dhawaan magaalada Dhuusomareeb kusoo doortaan Gudoonka Baarlamaanka iyo sidoo kale Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa.

Amaanka xarunta ay ku shirayaan Baarlamaanka cusub ee Galmudug ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaa sidoo kale qeybo badan oo kamid ah magaalada la dhigay ciidamo amaanka xaqiijiya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip