Sargaal Ka Tirsan Ciidanka Nabad Sugida oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho.

0
Saturday January 11, 2020 - 16:35:25 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 63
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sargaal Ka Tirsan Ciidanka Nabad Sugida oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho.

    Taliye xigeenkii ciidamada nabadsugida gobolka Shabelaha Hoose Dhaayow Cusmaan Aadan ayaa lagu diley degmada Hodon ee gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliye xigeenkii ciidamada nabadsugida gobolka Shabelaha Hoose Dhaayow Cusmaan Aadan ayaa lagu diley degmada Hodon ee gobolka Banaadir.


Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dilka taliye xigeenka nabadsugida ay ka dambeeyeen kooxo bastoolado ku hubeysan.

Taliye xigeenka la diley ayaa la sheegay in uu goordhow yimid magaalada Muqdisho ayna baxsadeen dadkii ka dambeeyay dilka taliye xigeenka.

Ciidamo katirsan booliiska iyo Nabad sugida Soomaaliya ayaa soo gaaray goobta dilku ka dhacay, waxa ayna ciidamada halkaasi ka sameeyeen howlgalo aan wali la ogeyn cida lagu soo qabtay.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Hodon iyo weliba dambi baarista.

Dilka taliye xigeenkii nabad sugida gobolka Sh/hoose ayaa noqonaya dilkii ugu horeeyay ee koox bastoolado ku hubeysan ay ku dilaan magaalada Muqdisho sanadkan cusub 2020.

Dilkan ayaa imaanaya xili amaanka magaalada Muqdisho maalmihii lasoo dhaafay u muuqatay mid soo hagaagaya waxaana inta badan yaraaday dilalkii qorsheesnaa ee magaalada ka dhici jiray.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip