Boqorka Cusub ee Dalka Cuman oo Lagu Dhawaaqay Ka Dib Geeridii Boqor Qaboos.

0
Saturday January 11, 2020 - 13:05:05 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 56
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Boqorka Cusub ee Dalka Cuman oo Lagu Dhawaaqay Ka Dib Geeridii Boqor Qaboos.

    Boqortooyada Cumaan ayaa yeelatay Suldaan cusub oo hoggaamin doona kaddib geeridii Suldaankii dalkaas xukumayay mudada 50-ka sano Suldaan Qaboos Bin Saciid.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boqortooyada Cumaan ayaa yeelatay Suldaan cusub oo hoggaamin doona kaddib geeridii Suldaankii dalkaas xukumayay mudada 50-ka sano Suldaan Qaboos Bin Saciid.


Haitham bin Tariq al-Said oo ahaa Wasiirka Dhaqanka ayaa loo dhaariyay inuu noqdo Hoggaamiyaha cusub ee Cumaan isagoo ay ilmo adeer yihiin Suldaanka geeriyooday.

"Haitham bin Tariq waxaa loo dhaariyay inuu noqdo suldaanka cusub ee Cumaan, kadib kulan ay yeesheen Qoyska reer Aala-Saciid, kaasoo goaansaday inuu magacaabo qofka loo doortay Suldaanka”ayaa lagu yiri War ka soo baxay dowladda Cumaan oo lagu qoray Barta Twitter-ka.

65-jirkaan ka mid ah Boqortooyada ayaa noqonaya Suldaankii 10aad ee soo mara Saldanada dalka Cumaan.

Sultan Qaboos waligii ma guursan, islamarkana Boqorka oo ahaa ninkii uu xukunkiisu ugu waqtiga dheeraa dunida Carabta ayaa geeriyooday isaga oo aan magacaabin ciddii badali lahayd.

Suldaan Qaboos ayaa lagu wadaa in maanta la aaso waxaa la filayaa in aaskiisa ay ka qeyb galaan Madax ka socota dalalka Carabta.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip