Xisbiga Ra'iisul Wasaare Boris Johnson oo Ku Guuleystay Doorashadii Ka Dhacday Britain.

0
Friday December 13, 2019 - 12:21:29 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 68
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Ra'iisul Wasaare Boris Johnson oo Ku Guuleystay Doorashadii Ka Dhacday Britain.

    Xisbiga Conservative ayaa ku guul taariikhi ah ka soo hoyay doorashadii shalay ka dhacday Britain, taasoo mar kale Ra'iisul Wasaare Boris Johnson siineysa inuu sii hoggaamiyo Xafiiska Downing Street ee looga arrimiyo UK.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga Conservative ayaa ku guul taariikhi ah ka soo hoyay doorashadii shalay ka dhacday Britain, taasoo mar kale Ra'iisul Wasaare Boris Johnson siineysa inuu sii hoggaamiyo Xafiiska Downing Street ee looga arrimiyo UK.


Mr Johnson iyo Xisbigiisa ayaa guul ka soo hoyay goobo markii hore ku guuleysan hireen Xisbiga Shaqaalaha, waxaana tani ka dhigan in Xisbiga Conservative-ka ay guul weyn ka gaaraan doorashada sodon sano kaddib.

Ra’iisul Wasaare Boris Johnson ayaa sheegay in guushan ay mar kale siineyso fursad uu ku hirgeliyo ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub.

Xisbiga muxaafidka ayaa heli doona 364 xildhibaan, halka xisbiga shaqaalaha ay ku guuleysteen kuraas dhan 203, halka Xisbiyada kale ay wada heleen SNP 55, Liberal democrats 13, Plaid Cymru afar iyo Greens oo hal kursi ah.

Tani ayaa waxay noqoneysa in Xisbiga Conservative-ka uu aqlabiyadii ugu ballaarneyd ku yeelan doonaan Baarlamaanka dalkaas, oo sidan oo kale sanadkii 1987, xilligaasoo ay Ra’iisul Wasaare ka aheyd Britain Margaret Thatcher.

Xisbiga shaqaalaha ee uu hogaamiyo Jeremy Corbyn ayaa lumiyay deegaan barlaameednyada kala ah North, Midlands iyo Wales, kuwaas oo sanadkii 2016-ka taageeray qorshaha ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub.

Sidoo kale deegaan barlamaaneedyada kala ah Darlington, Sedgefield iyo Workington oo markii hore uu ku xooganaa xisbiga shaqaalaha ayaa haatan waxaa uu ka baxay ganactooda, waxaana laga soo doortay xildhibaano ka tirsan xisbiga muxaafidka ee talada haya.

Dhanka kale xisbiga Scottish National Party ayaa isaguna u muuqda in xoogahaa guul uu gaaray, waxaana dhowr deegaan barlamaaneed uu kaga guuleystay xisbiyada ugu tunka weyn dalka Britain ee Labour iyo Conservatives.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip