Sheekh Shaakir "Annagoo u Tanaasuleyna Shacabka Galmudug Ayaa Aqbalnay Heshiiska"

0
Thursday December 12, 2019 - 11:51:36 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 74
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheekh Shaakir "Annagoo u Tanaasuleyna Shacabka Galmudug Ayaa Aqbalnay Heshiiska"

    Magaalada Dhuusomareeb waxaa heshiis ku gaaray Wasaarada arimaha gudaha iyo federaalka ee Xukuumada Soomaaliya iyo kooxda Ahlu Sunna ee maamusha qeybo kamid ah gobolka Galgaduud.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Dhuusomareeb waxaa heshiis ku gaaray Wasaarada arimaha gudaha iyo federaalka ee Xukuumada Soomaaliya iyo kooxda Ahlu Sunna ee maamusha qeybo kamid ah gobolka Galgaduud.


Wasaarada arimaha Gudaha ayaa u ogolaatay kooxda Ahlu Sunna in Baarlamaanka cusub ku yeelato 20-Xildhibaan Ahlu Sunna ayaana ogolaatay heshiiska iyo sidoo kale tirada Xildhibaanada la siiyay.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah Hoggaanka Ahlusuna ahna Madaxa Xukuumadda Galmudug ayaa soo dhoweeyay heshiiskii laga gaaray arrimaha Galmudug, isagoo caddeeyay in Ahlusuna u tanaasushay shacabka reer Galmudug.

War saxaafadeed uu soo saaray Sheekh Shaakir ayuu ku caddeeyay inay aqbaleen in Ahlusuna soo xulaan 20 Xildhibaan oo ka mid ah 89 Xildhibaan ee Baarlamaanka Galmudug, isagoo u mahadceliyay Culumaa’udiinka Ahlusuna meel kasta ay joogaan dadaalka ay geliyeen hirgelinta heshiis dhex mara dowladda Federaalka iyo Galmudug.

Qoraalka kasoo baxay Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo Ahlu Sunna heshiiska u saxiixay ayuu ku sheegay in ay u tanaasuleyn shacabka Galmudug ayna aqbaleyn heshiiska lagu dhisayo Galmudug loo dhan yahay.

Madaxa Xukuumadda Galmudug ayaa waxaa uu uga mahadceliyay dowladda Federaalka dadaalada dheeraadka ah ee ay ku bixisay dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska Galmudug mideysan.

Sidoo kale Sheekh Maxamed Shaakir ayaa u mahad celiyay Beesha Caalamka uu sheegay in gacan ka geesatay heshiiskan, waxa uuna ugu baaqay bulshada Galmudug in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska iyo Horumarka Galmudug.

Hoos Ka Akhriso Qoraalka Madaxa Xukuumadda Maamulka Sheekh Shaakir:-





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip