Dowladda iyo Ahlu Sunna oo Heshiis Cusub Gaaray iyo Xildhibaano Badan oo La Siiyay Ahlu Sunna.

0
Thursday December 12, 2019 - 11:40:11 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 64
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda iyo Ahlu Sunna oo Heshiis Cusub Gaaray iyo Xildhibaano Badan oo La Siiyay Ahlu Sunna.

    Waxaa heshiis laga gaaray Khilaafkii u dhaxeeyay dowlada federaalka Soomaaliya iyo kooxda Ahlu Sunna ee ku aadanaa dhismaga Galmudug loo dhan yahay iyo sida loo qeybsanayo Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Galmudug.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa heshiis laga gaaray Khilaafkii u dhaxeeyay dowlada federaalka Soomaaliya iyo kooxda Ahlu Sunna ee ku aadanaa dhismaga Galmudug loo dhan yahay iyo sida loo qeybsanayo Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Galmudug.


Wada hadalo maalmihii la soo dhaafay u socday Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka iyo Hoggaanka Ahlusuna ayaa kama dambeys waxaa saaka laga gaaray heshiis buuxa, iyadoo la xaliyay tabashooyinkii dhanka Ahlusuna iyo caqabadihii ku hor-gudbanaa geeddi socodka dhismaha maamulka Galmudug.

Qoraal kasoo baxay Wasaarada arimaha gudaha iyo Federaalka Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in heshiis laga gaaray arimaha Galmudug kadib wadahadlo mudo labada dhinac u socday.

Ahlusuna ayaa loo ogolaaday 20 kursi oo Xildhibaanada oo ah qoondada Baarlamaanka Galmudug, kaasoo ka imaanaya 89 kursi ee Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug, waxaana qodobkan ahaa kan ugu weynaa ee ay isku hayeen dowladda Federaalka iyo Ahlusuna, maadaama Ahlusuna dalbaneysay in la siiyo 35 kursi oo qeyb ka ahaa heshiiskii hore.

Wada hadaladan u socday dowladda Federaalka iyo Ahlusuna ayaa waxaa mira dhalkiisa gacan ka geysatay Beesha Caalamka oo ku cadaadineysay dowladda Federaalka inay tixgeliso tabashada Ahlusuna.

Halkan hoose ka akhriso war saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ka soo saartay heshiiska:-





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip