Guddoomiyaha Nairobi oo Maxkamad La Soo Taagay 30 Dembina Lagu Soo oogay -Sawirro

0
Monday December 09, 2019 - 18:27:36 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 74
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Nairobi oo Maxkamad La Soo Taagay 30 Dembina Lagu Soo oogay -Sawirro

    Guddoomiyaha Nairobi ayaa Maxkamadda hortagay maanta isaga oo diiday inuu qirto ilaa 30 eedeymo dambiyeed oo ay ku jirto inuu qaatay lacago laaluush ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Nairobi ayaa Maxkamadda hortagay maanta isaga oo diiday inuu qirto ilaa 30 eedeymo dambiyeed oo ay ku jirto inuu qaatay lacago laaluush ah.


Mike Sonko ayaa ah sarkaalkii u danbeeyey ee dowladeed ee lagu soo oogo dacwado la xiriira musuq maasuq ee dalka Kenya, waxaana lagu eedeeyey inuu ka faa’iiday lacago uu si sharci darro ah ku helay oo gaaraya ilaa 3 milyan iyo bar doolarka Mareykanka ah.

Sonko ayaa fasaxa todobaadka ku qaatay xabsiga ka dib markii si lama filaan ah looga soo xiray koonfurta Voi ka dibna loosoo duuliyey xabsi ku yaalla magaalada Nairobi.

Waxa uu diiday inuu qirto dhamaan dambiyada lagu soo eedeeyey markii la horkeenay maxkamad qaabilsan la dagaalanka musuq maasuqa ee uu xaakimka ka yahay Douglas Ogoti iyadoo ammaankana ay sugayeen booliska rabshada ka hortaga.

"Waxaad si ula kac ah ku heshay hanti iyo lacago adigoo og iney yihiin kuwo fal danbiyeed ah,” ayuu maxkamadda ka hor sheegay qareenka dowladda. Hase ahaatee, Sonko ayaa ku jawaabay ineysan eedeyntaasi run ahayn.

Qareennada dowladda ayaa sidoo kale akhriyey faahfaahinnada akkoonnada bangiyada ee Sonko iyo dhowr mar oo lacago ay kusoo shubeen qandaraasleyaal ku guuleystay tartanka qandaraas ee gobolka uu maamulo.

Maxkmadda horteeda ayaa waxa buux dhaafiyey taageerayaasha Mr Sonko,waxana uu ugu baaqay inay is dejiyaan.

Waxyaabaha aad loogu yaqaanno Sonko waxaa ka mid ah inuu mar walba ku labisto dhar soo jiidasho leh, oo dadka qaarkiisna ay u arkaan kuwo maad leh, laakiin isagu uu xarrago ahaan ka dhigto.

Dhagaysiga dacwada loo haysto gudoomiyihii magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa ku soo beegmaya maanta xilli caalamka laga xusayo maalinta Musuqmaasuqa.








Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip