Dowladda Federaalka oo Walaac Ka Muujisay Dagaalkii Saakay Ka Qarxay Gobolka Mudug.

0
Monday December 09, 2019 - 12:50:47 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 68
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Federaalka oo Walaac Ka Muujisay Dagaalkii Saakay Ka Qarxay Gobolka Mudug.

    Dagaal ayaa saakay markale waxaa uu ka dhacay deegaano hoostaga degmooyinka Towfiiq iyo Afbarwaaqo ee Bariga Gobolka Mudug,waxaana markale si kulul dagaalkaas uga hadashay dowladda Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaal ayaa saakay markale waxaa uu ka dhacay deegaano hoostaga degmooyinka Towfiiq iyo Afbarwaaqo ee Bariga Gobolka Mudug,waxaana markale si kulul dagaalkaas uga hadashay dowladda Soomaaliya.


Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa War kasoo saartay dagaalka kasoo cusboonaaday deegaano ka tirsan Gobolka Mudug, kaasi oo u dhexeeya laba Maleeshiyo beeleed.

Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Ismaaciil Mukhtar Cumar (Oranjo) ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Federaalka ay aad uga xuntahay dagaalkii saakay mar kale ka qarxay deegaanada Towfiiq iyo Af-barwaaqo ee ka tirsan Gobolka Mudug.

Sidoo kale Ismaaciil (Oranje) ayaa waxaa uu sheegay in dowladda ay aad uga walaacsan tahay xaalada ay ku sugan yihiin dadkii shacabka ahaa ee ka barakacay Colaada kasoo Cusboonaatay halkaas.

Isaga oo sii hadlaayay ayuu tilmaamay in Xukuumadda ay ugu baaqeyso dadka walaalaha ee dagaalamaya inay si deg deg ah u joojiyan Colaadka, isagoona xusay in dowladda ay diyaarineyo Ciidamo isku dhaf ah oo kala dhexgalaya labada dhinac.

Ugu dambeyntii Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda ayaa sheegay in dowladda aysan marna aqbali Karin inay Colaada sii socota, isla markaana lala xisaabtamayo Qof kasta oo ku lug yeesha hurinta colaadaha maanta markale kasoo Cusboonaaday.

Si kastaba Dagaalkii ka dhacay deegaanka Towfiiq ee Gobolka Mudug ayaa waxaa ku dhintay 5 ruux, halka saddex qof kalena ay ku dhaawacmeen.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip