Guddoomiyihii Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabelaha Hoose oo Lagu Diley Qarax Miino

0
Wednesday December 04, 2019 - 18:28:08 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 54
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyihii Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabelaha Hoose oo Lagu Diley Qarax Miino

    Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan qarax Miino oo Maanta lagu dilay guddoomiyhii degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Aweys Abuukar Yarow.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan qarax Miino oo Maanta lagu dilay guddoomiyhii degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Aweys Abuukar Yarow.


Qaraxa lala beegsaday gudoomiyha degmada Awdheegle ayaa dhacay xilli uu gudoomiyha marayay inta u dhaxeysa degmada Awdheegle iyo deegaanka Sabiib oo isla Awdheegle ka tirsan.

Qaraxa ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay saddex ka mid ciidamada ilaalinayay guddoomiyha geeriyooday Lama oga illaa iyo hadda nooca qaraxa lagu diley guddoomiye Yarow.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in qarax miino lagu dilay Gudoomiyihii degmada Awdheegle.

Allaha u naxriistee Maxamed Yarow ayaa mudo ka badan 6 sano wuxuu ahaa gudoomiyaha degmada Awdheegle,waxaana guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha hoose oo qaraxaasi ka hadlay uu u tacsiyadeeyey ehelada guddoomiyihii degmada Awdheegle.

Ciidamada dowlada Soomaaliya gaar ahana kuwa milatariga ayaana howlgal baaritaano kawada Degmada Awdheegle gaar ahaan goobta uu ka dhacay qaraxa lagu dilay Gudoomiyihii Degmadaasi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip