Labo Kamid Ah Musharaxiinta Madaxweynaha Galmudug oo La Kulmay Donald Yamamota -Sawirro

0
Monday December 02, 2019 - 17:30:21 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 56
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Labo Kamid Ah Musharaxiinta Madaxweynaha Galmudug oo La Kulmay Donald Yamamota -Sawirro

    Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Amb, Donald Yamamota ayaa Maanta magaalada Muqdisho kula kulmay laba kamid ah musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Galmudug.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Amb, Donald Yamamota ayaa Maanta magaalada Muqdisho kula kulmay laba kamid ah musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Galmudug.


Kulanka dhax maray Amb Domald Yamamota iyo musharaxiinta kala ah Cabdiraxmaan Odawaa iyo Kamaal Guutaale oo ka dhacay xarunta Safaaradda Mareykanka ku leedahay xerada Xalane ayaa looga hadlay xaalada siyaasadeed ee ka taagan Galmudug gaar ahaan doorashada la filayo in ay ka dhacdo Dhuusomareeb.

Qoraal kooban oo kasoo baxay safaarada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa looga hadlay in kulanka dhax maray safiirka iyo labada musharax looga hadlay sidii looga shaqeyn lahaa in Galmudug ka dhacdo doorasho hufan oo lagu kalsoonaan karo.

"Amb. Yamamoto iyo kooxdiisa Safaaradda Mareykanka Soomaaliya waxay kala hadleen labada Musharax baahida loo qabo in si hufan oo loo dhan yahay ku dhacdo hannaankadoorashada Galmudug, dhismaha Hey’addo dowladeed oo xooggan, wax ka qabashada dhibaatooyinka arrimaha bani’aadanimada, ka adkaanshaha Argagixisada, abuurida jawi nabadeed degenaansho iyo barwaaqo Soomaaliya”ayaa lagu yiri qoraalka.

Kulankan ayaa kusoo aadaya xili qaar kamid ah Musharaxiinta Madaxweynaha Galmudug ay ka cabanayeen faragalin ay sheegeen in dowlada federaalka ku heyso doorashada Galmudug iyo ciidamo Itoobiyaan ah oo la sheegay in la geeyay Dhuusomareeb.

Safiirka Mareykanka u qaabilsna Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa bilaabay kulamo gaar gaar ah uu la yeelanayo saamileyda siyaasadda, gaar ahaan siyaasiyiinta mucaaradka, iyadoo shalay la kulmay Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran iyo xubno ka tirsan Madasha.

Si kastaba kulanka ayaa waxaa kusoo aadayaa, iyadoo C/raxmaan Odawaa iyo Kamaal Guutaale ay kasoo horjeedan sida Dowladda Federaalka Soomaaliya u maamuleyso Arrimaha Doorashada Galmudug oo dhawaan inay ka dhacdo Magalada Dhuusamareeb.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip