Taliska Booliska oo Digniin Soo Saaray iyo Saldhigyada Muqdisho oo Heegan La Geliyay.

0
Monday December 02, 2019 - 17:22:45 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 52
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliska Booliska oo Digniin Soo Saaray iyo Saldhigyada Muqdisho oo Heegan La Geliyay.

    Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in heegan buuxa la geliyey laamaha kala duwan ee Ciidanka booliska Soomaaliya ee ka howlgalla Magaalada muqdisho,kaddib markii ay booliska sheegeen in roobab xoogan oo waxyeelo geysan kara laga cabs

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in heegan buuxa la geliyey laamaha kala duwan ee Ciidanka booliska Soomaaliya ee ka howlgalla Magaalada muqdisho,kaddib markii ay booliska sheegeen in roobab xoogan oo waxyeelo geysan kara laga cabsi qabo inay ka da'aan Magaalada muqdisho.


War qoraal ah oo barteeda Facebook ay kusoo qortay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Zakiya Xuseen Axmed ayaa waxaa ay ku sheegtay in dhamaan Saldhigyada Booliska ee Gobolka Banaadir iyo laanta Gurmadka Deg-deg ah la geliyay heegsan buuxa.

Sidoo kale Zakiya ayaa sheegtay in shacabka ku dhaqan Caasimadda loo diyaariyay gaadiidka Gurmadka Deg-deg ah iyo kuwa Dab demiska, iyadoo tilmaamtay in qof Kasta oo u baahda Gurmad in uu la xiriiro hay’addaha amniga dowladda.

 

"Iyadoo dhawaan la filaayo roobabka Mahiigaanka waxaa dhamman saldhigyada boliiska G/Banadir iyo Laanta Gurmadka Dag Dag ee Dowlada Hoose la geliyay heegan buuxda sidoo kalena la diyaariyay baabuurta gargaarka sida ambulansyada iyo deb demiska. Hadaba muwaadinkii u baahda gurmad dag dag ha la xiriiro heyadaha amniga iyo gurmadka dag dag iyagoo wacaaya number 991” ayey tiri Taliye ku-xigeenka.

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Zakiya Xuseen Axmed Ma sheegin halka ay ka soo xigatay xogta ku aadan Roobabka kusoo wajahan Magaalada Muqdisho.

Si kastaba Todobaadkii hore ayey aheyd markii roobab xooggan oo socday 48 saacadood ay ka da’aeen magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda kuwaasoo lagu diirsaday, dhinaca kalena geystay khasaarooyin naf iyo maal leh.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip