Puntland oo Beenisay in Ay Ciidamo Ka Goostay Ku Biireen Somaliland.

0
Monday December 02, 2019 - 17:10:30 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 56
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo Beenisay in Ay Ciidamo Ka Goostay Ku Biireen Somaliland.

    Dowlad Goboleedka Puntland ayaa beeniyay in qaar ka mid ah ciidamadooda ay ku biireen ciidamada dowlad goboleedka Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa beeniyay in qaar ka mid ah ciidamadooda ay ku biireen ciidamada dowlad goboleedka Somaliland.


Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Puntland Cali Axmed Sabarey oo magaalada Garowe kula hadlay warbaahinta maxaliga ah, ayaa sheegay ciidamada lagu soo bandhigay Taleex inay yihiin maleeshiyo beeleed loo galiyay dareeska ciidanka oo hore halkaasi ku sugnaa.

Wasiir Cali Axmed Sabarey ayaa sheegay in  Soomaaliland xilligan deegaanadeeda uu ka jiro jahwareer Siyaasadeed,isla markaana aysan awood u laheyn inay Ciidamo kala wareegaan Puntland.

"Majiro awood ay xilligaan Somaliland kula wareegi karto ciidamadeena balse gudaha Somaliland waxaa ka jira jahweerar siyaasadeed.”ayuu yiriWasiirka warfaafinta Puntland.

Wasiirka Puntland Cali Axmed Sabarey ayaa sheegay in ciidanka Puntland ay ku suganyihiin xeryahooda,isla markaana ay qaataan mushaaraadkooda.

Soomaaliland ayaa shalay Magaalada taleex ee gobolka Sool waxaa ay kusoo bandhigtay 150 Askari oo ay sheegeen inay ka tirsanaayeen Ciidamada Puntland oo dhankooda kusoo biiray.

Mas’uuliyiin u hadashay maamulka Somaliland ayaa sheegay in ciidamo lagu soo bandhigay magaalada Taleex ay yihiin ciidamadii Puntland ee ku sugnaa degaanka God-qaboobe ee hoostaga degmada Tukaraq.

Maamulada Puntland iyo Somaliland oo uu ka dhex jiro khilaaf dhinaca dhulka ah ayaa waxaa hore ciidamadooda dagaalo ugudhex maray deegaano ka tirsan gobolka Sool iyo Sanaag.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip