Al-Shabaab oo Lagala Wareegay Degaano Cusub iyo Saraakiil War ka soo saaray.

0
Monday December 02, 2019 - 13:56:24 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 72
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Shabaab oo Lagala Wareegay Degaano Cusub iyo Saraakiil War ka soo saaray.

    Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee fariisinkooda yahay Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa wada howlgal ballaaran oo ay Al-Shabaab kaga saarayaan deegaanno dhaca Galbeedka Degmada Baardheere oo maalmahii la soo dhaafey ay soo buux dhaafiyeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee fariisinkooda yahay Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa wada howlgal ballaaran oo ay Al-Shabaab kaga saarayaan deegaanno dhaca Galbeedka Degmada Baardheere oo maalmahii la soo dhaafey ay soo buux dhaafiyeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.


Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa waxaa ay sheegeen in cabasho uga timid dadka Shacabka ah ee ku nool tuulooyin hoostaga Baardheere gaar ahaan Tuulooyinka Reydab iyo daar Macalin oo ay sheegeen inay dhibaato kala kulmeen Ururka Al-Shabaab.

Abaanduulaha Ururka 49aad Guutada 1-aad qeybta 43aad Xidigle Maxamed Weli Cabdullaahi Xersi ayaa sheegay in deegannada ay howlgalka ka fuliyeen ay 40km dhinaca Galbeed ka xigaan degmada Baardheere,isla markaan ay dhibaatooyin ka wadaan Al-Shabaab kana qaadanayeen xoolahooda sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada Dowladda ay la wareegeen Saldhigyadii Al-Shabaab ku lahaayeen deegaannada Reydab iyo daar Macalin,isla markaana ay guul ka gaareen dagaal ay la galeen.

"Ciidamada dowladdu waxay la wareegeen Saldhigyadii Al-Shabaab ku lahaayeen degaanada Reydab & Baar-Macalin ka dib weerar aan ku qaadnay, khasaare badana waan u geysanay” ayuu yiri Xidigle Maxamed-weli Cabdullaahi Xirsi.

Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay sii wadi doonaan howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa iyo inta ay ka saarayaan deegaannnada ay kaga sugan yihiin tuulooyinka hoostaga degmada Baardheere.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip