Jubbaland oo Sheegtay in Duqeyntii Degmada Jilib Lagu Dilay Sarkaal Ka Tirsan Al-Shabaab.

0
Monday December 02, 2019 - 10:42:56 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 49
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jubbaland oo Sheegtay in Duqeyntii Degmada Jilib Lagu Dilay Sarkaal Ka Tirsan Al-Shabaab.

    Maalin ka hor diyaaradaha dagaalka dalka Mareykanka oo gacan ka helaya Ciidamada Soomaaliya waxaa ay duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe,waxaana duqeyntaas faah faahiyey Maamulka Jubbaland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maalin ka hor diyaaradaha dagaalka dalka Mareykanka oo gacan ka helaya Ciidamada Soomaaliya waxaa ay duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe,waxaana duqeyntaas faah faahiyey Maamulka Jubbaland.


Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland, Cabdinuur Ibraahim Xuseen oo Warbaahinta kula hadlay Kismaayo ayaa sheegay in duqeyntaas lala beegsaday Gaadiid uu la socday Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab laguna dilay.

Afhayeenka ma sheegin Magaca Sarkaalka ka tirsanaa Al-Shabaab ee uu sheegay in duqeynta lagu dilay,balse uu tilmaamay in uu ahaa mid dhibaato ku haayay Shacabka Soomaaliyeed.

Mareykanka oo fuliyey duqeyntaas ayaa War kasoo baxay waxaa lagu sheegay in duqeyntaas ay fuliyeen balse ay baaritaan ku sameynayaan khasaaraha ka dhashay.

Muddooyinkii u dambeeyay duqeymaha ay geysanayeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka waxaa uu ka dhacayay qeybo ka mid ah Jubbooyinka, gaar ahaan aaggaga Jilib, Bu’aale iyo Jamaame oo ay ku xooggan yihiin Al-Shabaab.

Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa war soo saaray waxaa uu ku sheegay in duqeyn ka dhacday degmada Jilib 30-ka bishii hore ee November, waxaana Taliska sheegay inay qiimeyn ku hayaan duqeyntaas oo aanay si rasmi ah u sheegin cida lala bartilmaameedsaday, hase ahaatee waxa ay tilmaameen in aanay jirin wax khasaare ah oo duqeyntaas ka soo gaaray dad rayid, bale bartilmaameedka uu ahaa Al-Shabaab.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip