Maamulka Puntland oo Mar Kale Xabsiga Dhigay Siyaasiga Muuse Cali Jaamac.

0
Monday December 02, 2019 - 10:08:08 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 50
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Puntland oo Mar Kale Xabsiga Dhigay Siyaasiga Muuse Cali Jaamac.

    Ciidamada Maamulka Puntland ee Gobolka Bari ayaa mar kale xabsiga dhigay Siyaasiga caanka ah Muuse Cali Jaamac, kaddib markii isaga iyo odayaal ay dhaliilo u jeediyeen maamulka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Maamulka Puntland ee Gobolka Bari ayaa mar kale xabsiga dhigay Siyaasiga caanka ah Muuse Cali Jaamac, kaddib markii isaga iyo odayaal ay dhaliilo u jeediyeen maamulka.


Garyaqaan Muuse Cali Jaamac ayaa duhurnimadii shalay waxaa Ciidamada ka qabteen gudaha magaalada Boosaaso, kaddibna waxaa lagu xiray Xabsiga weyn, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan laamaha amniga Puntland.

Muuse Cali Jaamac ayaa dhowr bilood ka hor Maxkamad ku taalla Boosaaso dambi ku weysay markii loo qabtay in uu akhriyay war-saxaafadeed ay Odayaasha soo saareen oo ka dhan ahaa DP World

Sidoo kale Ciidamada ayaa xabsiga u taxaabay labo nabadoon oo kale, kuwaasoo ka mid ahaa nabadoonadii dhaliilay Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Saciid Deni.

Kulan jimcihii ay ku yeesheen magaalada Boosaaso Odayaal iyo siyaasiyiin waxaa eedeymo loogu soo jeediyay Maamulka Puntland, taasoo ah in shirkad laga leeyahay Imaaraadka Carabta ay ku wareejisay garoonka diyaaradaha Boosaaso, iyadoo horay Shirkadda DP ay u heysatay qandaraaska Dekeda Boosaaso ee ballaarinta iyo dhismaha dekeda, waxaana ay ugu baaqay Xukuumadda Puntland inay ka laabato heshiiskaas oo ay ka baxdo, maadaama waqtigii loogu tala galay aanay shirkaddu ku fulin dhismaha Dekedaas.

Bishii hore ee October ayay aheyd markii Ciidamada Amniga Boosaaso ay xabsiga dhigeen siyaasigan, hase ahaatee saddex maalmood oo uu xirnaa waa la sii daayay, kaddib markii lagu sii daayay cafis maxkamadeed.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip