Puntland oo Dalacsiisay Sarkaal Ka Tirsan Booliska Puntland oo La Nool Cudurka HIV/ADIS.

0
Sunday December 01, 2019 - 17:12:22 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 56
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo Dalacsiisay Sarkaal Ka Tirsan Booliska Puntland oo La Nool Cudurka HIV/ADIS.

    Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha ayaa Xeer Madaxweyne Lr-19, December 01,2019 ku dalacsiiyey sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska Puntland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha ayaa Xeer Madaxweyne Lr-19, December 01,2019 ku dalacsiiyey sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska Puntland.


Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Markuu arkay:- Dastuurka D PuntlandMarkuu arkay: Kartidiisa, Aqoontiisa iyo Hawl-karnimadiisa Ciidanimo.

Wuxuu Xeeriyey

  1. Waxaa Dhamme Bashiir Cismaan Cawed loo dalacsiiyey derajada Gaashaanle

Dhamme Bashiir Cismaan Cawed ayaa sidoo kale ah Taliyaha Saldhigga Galbeed ee Garoowe,waxaana cudurka HIV/AIDS ku riday xaaskiisa.

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha uu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweyne Ku-xigeenku.

Dalacsiinta sarkaalkan ayaa ku soo beegantay maanta oo dunida looga aqoonsaday maalinta cudurka dilaaga ah ee AIDSka. Gaashaanle Bashiir Cawad ayaa ah Taliyaha Saldhigga Galbeed ee Garoowe.

Waxaa maalmihii la soo dhaafay qabsaday baraha bulshada wareysi uu bixiyay sarkaalkan isagoo ka sheekeeyay qaabkii uu ugu dhacay cudurka iyo weliba inuu cafiyay haweeney qaadsiisay cudurka kadib markii uu guursaday isagoo aan ka warqabin inay qabto cudurka.

Gaashaanle Bashiir ayaa kula taliyay dhalinyarada is guursanaysa in ay marka hore iska baaraan qofka ay guursanayaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip