Wadahadal u Bilowday Dowladda iyo Ahlu sunna iyo Howlihii Dhismaha Galmudug oo La Hakiyey.

0
Sunday December 01, 2019 - 09:07:56 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 50
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wadahadal u Bilowday Dowladda iyo Ahlu sunna iyo Howlihii Dhismaha Galmudug oo La Hakiyey.

    Dowlada Somalia ayaa bilowday dedaalkii ugu dambeeyey ee lagu qancinayo hogaanka Ahlu sunna, iyadoo wararka aan ka heleyno magaalada Dhuusamareeb ay sheegayaan in muddo todobaad ah la hakiyey howlihii dhismaha maamulka Galmudug.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowlada Somalia ayaa bilowday dedaalkii ugu dambeeyey ee lagu qancinayo hogaanka Ahlu sunna, iyadoo wararka aan ka heleyno magaalada Dhuusamareeb ay sheegayaan in muddo todobaad ah la hakiyey howlihii dhismaha maamulka Galmudug.


Talaabadan Hakinta howshii dhismaha maamulka Galmudug ayaa la sheegay in looga gol leeyahay in mudadaas todobaadka ah lagu soo afjaro khilaafka Ahlu-Sunna iyo dowladda federalka ee ka dhashay qaabka ay dowladdu u rabto in loo dhiso maamulka iyo qoondo ay rabto Ahlu-Sunna inay ku yeelato maamulka cusub ee loo dhisayo Galmudug.

Wasaaradda arimaha gudaha xubno ka tirsan ayaa sheegay in Muqdisho looga yeeray Cabdisamad Macalin Maxamuud Wasiirkii hore ee wasaaradaas, kaasoo isku xire u ahaa dowladda federaalka iyo Ahlu-Sunna sidoo kalena uu dhalay hoggaamiyaha ugu sareeya Ahlusunna ee Macalin Maxamuud ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu tago Magaalada Dhuusamareeb..

Cabdisamad ayaa la sheegay inay dowladdu ka dalbatay inuu ka qeyb qaato xalinta tabashada hoggaanka Ahlu-Sunna.

Dowladda Soomaaliya iyo Ahlusunna ayaa dhowr jeer waxaa ay gaareen heshiis ku saabsan dhismaha Galmudug,hayeeshee Ahlusunna ay sheegtay in dowladda aysan fulin heshiisyadaas,waxaana jira haatan khilaaf u dhaxeeya hoggaanka Ahlusunna iyo dowladda federaalka.

Waxyaabaha ugu weyn ee dowladda iyo Ahlusunna ay isku khilaafsan yihiin ayaa waxaa kamid ah in hoggaanka Ahlusunna ay doonayaan in Baarlamaanka Cusub ee Galmudug laga siiyo 35 Xubnood,balse Dowladda Soomaaliya ay u cuntami weysay,waxaana Warar soo baxaya ay sheegeen in Dowladda ay dooneyso in Ahlusunna Baarlamaanka laga siiyo 15 Xubnood.

Arintaan ayaa ku soo aadeysa iyadoo ay wasaaradda arimaha gudaha liiska 44 oday oo soo xulaya baarlamaanka cusub ee maamulka Galmudug ay ku wareejisay guddiga farsamada maamul dhisidda Galmudug.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip