Khasaaro Ka Dhashay Dagaal Dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab oo Ka Dhacay Baardheere.

0
Sunday December 01, 2019 - 08:53:21 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 49
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khasaaro Ka Dhashay Dagaal Dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab oo Ka Dhacay Baardheere.

    Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee fariisinkooda yahay Degmada Baardheere ayaa bilaabay howlgal balaaran oo ay Al-Shabaab kaga saarayaan deegaanno dhaca Galbeedka Degmada Baardheere oo maalmahii la soo dhaafey ay soo buux dhaafiyeen Al-Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee fariisinkooda yahay Degmada Baardheere ayaa bilaabay howlgal balaaran oo ay Al-Shabaab kaga saarayaan deegaanno dhaca Galbeedka Degmada Baardheere oo maalmahii la soo dhaafey ay soo buux dhaafiyeen Al-Shabaab.


Dagaal ayaa waxaa uu ka dhacay tuulooyin hoostaga degmada Baardheere ee Gobolka Gedo,waxaana uu u dhaxeeyey Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya iyo Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid,kaddib markii Ciidamada Dowladda ay weerar ku qaadeen Tuulooyin hoostaga degmada Baardheere oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab,isla markaana dadka ay ka qaadayeen xoolo farabadan.

Isu-duwaha Wasaaradda Beeraha Maamulka Jubbaland u qaabilsan degmada Baardheere Siciid Abshir Cartan ayaa sheegay in dagaalka uu ka dhacay Tuulada Baar Macalin oo ku taalla duleedka Baarhdeere iyo tuulooyin kale,halkaas oo Ciidamadu ay howlgallo ka wadeeen.

Waxaa uu sheegay in dagaalkaas Al-Shabaab looga dilay inka badan 10 Xubnood, halka Ciidamada Dowladda ay ka geeriyoodeen laba askari,waxaana uu sheegay in dagaalka uu yimid,kadb markii Al-Shabaan si awood ah dadka uga kaxeysteen Xoolo farabadan,isla markaana dadka Xoolaleyda ah ay Ciidamada Cabasho u soo gudbiyeen.

Dhinaca kale Taliyaha Ciidanka xoogga Dalka ee Baardheere Maxamed Cali Cabdullaahi ayaa saxafadda u sheegay in ay iyagu weerar ku qaadeen halka ay ku sugnaayeen Al-Shabaab markii ay xog ka heleen Dadka degaanka.

Al-Shabaab oo dhankooda dagaalka ka hadlay ayaa waxaa ay sheegeen inay iska difaaceen weerar kaga yimid Ciidamo Itoobiyan ah oo doonayay inay kala wareegaan Xoolo ay ku sheegeen inay ahaayeen Zako.

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya degmada Baardheere ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan oo aysan jirin wax dagaal ah,hayeeshee Ciidamada Dowladda ay wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip