Duqa Muqdisho oo Dhagax Dhigey Xarunta Gaadiidka iyo Dhul-bixinta Dowlada Hoose ee Xamar -Sawirro

0
Saturday November 30, 2019 - 19:35:37 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 51
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duqa Muqdisho oo Dhagax Dhigey Xarunta Gaadiidka iyo Dhul-bixinta Dowlada Hoose ee Xamar -Sawirro

    Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyeha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa dhagax-dhigay Xarunta Gaadiidka iyo Dhul-bixinta Dowladda Hoose ee Xamar oo dib loo dhisayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyeha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa dhagax-dhigay Xarunta Gaadiidka iyo Dhul-bixinta Dowladda Hoose ee Xamar oo dib loo dhisayo.


Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in muddo 30 sano ah kaddib dib loo dhisayo Xaruntan, iyadoo sanadihii la soo dhaafay ay xarummo ku mel gaar ah ku shaqeynaayeen Laanta Gaadiidka iyo Dhulbixinta ee Dowladda Hoose.

"Muddadii la soo dhaafay, waxaan xoogga saareynay in aan dib-u-dhisno xarumihii danta guud ee bulshada loogu adeegayay, kuwaas oo ay kaalin weyn ka qaadanayaan bulshada Caasimadda oo si wadajir ah ugu istaagay dib u dhiska dalka iyo ka qeyb qaadashada barnaamijyada isxilqaan ee socda.”

Duqa Muqdisho, waxuu tilmaamay in xilligan Gacanta lagu hayo dhismooyin Waddooyin dhowr ah iyo xarumo Maamulka oo qaarkood ay gabo-gabo marayaan, kuwa kalana mashruucooda dhismaha uu socdo.

Sidoo kale, Guddoomiye Cumar Filish ayaa sheegay in dib u dhiska xarunta ay qeyb ka tahay qorshaha horumarinta Caasimadda ee sanadkan oo lagu soo celinayo xarummo dowladood, goobo nasasho iyo kaabeyaasha dhaqaalaha, kuwaas oo muhiim u ah horumarka Caasimadda.








Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip