General Ka Tirsanaa Ciidamada Xoogga Dalka oo Lagu Diley Magaalada Muqdisho.
Warar na soo gaaray goor dhow ayaa sheegaya in Jeneraal ka tirsanaa ciidanka dowlada lagu dilay degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.
Jen. Yuusuf Cali Khasaaye (Yuusuf Cagey) oo ka mid ahaa saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa la tilmaamay in lagu dilay meel ku dhow hoygiisa oo ku yaalla agagaarka Ex-Warshadii caanaha ee degmada Hodan.
Warar iskhilaafsan ayaa ka soo baxaya dilka Jeneraalka, kuwaasoo qaarkood sheegayaan in dilkiisa uu ka dambeeyey sarkaal kale oo ay murmeen.
Ciidanka Booliska dowlada Somalia ayaa gaaray goobta, iyagoo halkaas ka wada baaritaanom la soco wixii ka soo kordha ee warar ah.
Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciianka dowladda oo ku aadan Dilka Goordhaweyd loo geystay General Yuusuf Ali Qasaay.
la soco wixii ka soo kordha ee warar ah.