Golaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaaliya oo Ansixiyey Sharciyo Muhiim Ah -Sawirro

0
Saturday November 30, 2019 - 17:27:23 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 46
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaaliya oo Ansixiyey Sharciyo Muhiim Ah -Sawirro

    Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kulakii 17aad ee Kalfadhiga 6aad ayada oo uu shir Guddomiyay Guddomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaaahi Cabdullahi. Sidoo kale waxaa goob jog ahaa Guddomiy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kulakii 17aad ee Kalfadhiga 6aad ayada oo uu shir Guddomiyay Guddomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaaahi Cabdullahi. Sidoo kale waxaa goob jog ahaa Guddomiye Ku-Xigeenka 2aad Senatar Moowlid Xuseen Guhaad.


Ajendaha Kulanka ayaa ahaa Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Maamulka iyo Maaliyadda Guud, Akhrinta 3aad ee Hindise Sharciyeedka shirkadaha, Akhrinta 3aad ee Hindise sharciyeedka Maamulka iyo Maaliyadda Guud.

Guddomiyaha Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganaacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee aqalka Sare ayaa Senator Cabdi Axmed Dhuxuloow (Dhagdheer) ayaa mariyay Akhrinta 3aad ee Hindise-Sharciyeedka Maamulka iyo Maaliyadda Guud.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ka jawaabay sualihi ay waydiyeen Xubanah Senatorada Golaha oo ku adaan Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Maamulka iyo Maaliyadda Guud, sidoo kale wasiirka ayaa codsaday Golaha in ay mariyaan akhrinta 3aad ee sharcigaan madaam uu ka mid yahay shuruucda deyn cafiska dalka uu kujiro.

Golaha Aqalka sare ayaa ansixiyey iyagoo marsiiyay Akhrinta 3aad Hindise-Sharciyeedka Maamulka iyo Maaliyadda Guud. Waxaana Ogaalada 28 senatar, waxaa diiday 1 senator, cid ka amuustayna ma jirto.

Dhanka Kale Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Sharciga Shirkada,Sharcigan ayaa waxa hore usoo ansixiyey Golaha Shacabka JFS bishii July ee sannadkan.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo ay weheliyaan Wasiiru-dawlaha Wasaaradda, Agaasimaha Guud iyo Hawl-wadeennada iyo sharciyaqaannada Wasaaradda ayaa ugu mahadceliyey Guddoonka Aqalka Sare, Guddiga Maaliyadda iyo Ganacsiga iyo Guud ahaan Senatorska Aqalka Sare oo si hawlkarnimo leh Sharcigan uga doodey kaddibna maanta ansixiyey.

Waxaanu ku bogaadiyey sida ay masuuliyadda dheeraadka ah isaga saareen inay ansixiyaan isla markaana garawsadaan muhiimadda uu leeyahay sharcigani.

Wasiirka ayaa sidoo kale shacbi weynaha Soomaaliyeed ugu bishaareeyey muhiimadda iyo faa’iidooyinka uu sharcigani leeyahay, kaasoo nuxurkiisu noqonayo:

1. Diiwaangelinta iyo Maamulka Shiradaha

2. Fududeynta Ganacsiga iyo Iskaashiga Dhaqaalaha













Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip