Madaxweynaha Kenya Uhuru oo Sheegay in Ciidankiisu Ay Sii Joogi Doonaan Soomaaliya.

0
Saturday November 30, 2019 - 10:44:53 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 53
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Kenya Uhuru oo Sheegay in Ciidankiisu Ay Sii Joogi Doonaan Soomaaliya.

    Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ay sii joogi doonaan Soomaaliya, inta laga ciribtirayo Al-Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ay sii joogi doonaan Soomaaliya, inta laga ciribtirayo Al-Shabaab.


Uhuru Kenyatta oo la hadlayay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Kenya ayaa sheegay in dowladdiisa ka go’an tahay la dagaalanka Al-Shabaab, isagoo xaqiijiyay inay ka sii mid ahaan doonaan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

"Ciidamadeenu waxay sii wadi doonaan inay ka sii mid ahaadaan AMISOM, illaa haliska ka imaanaya kooxaha xagjirka ee dalkeena qalqal gelinata la soo afjaro”ayuu yiri Uhuru Kenyatta.

Isagoo intaas raaciya "Ciidamada difaaca waxay ku dadaalayaan hadafkooda ah inay nabad waarta iyo horumar waara ka keenaan Kenya iyo deriskeeda.”

Uhuru Kenyatta ayaa intaa ku daray in Ciidamada KDF ay ku dadaalayaan hadafkooda ku aadan inay nabad iyo horumar ka keenaan Kenya iyo deriskeeda.

Askarta KDF ayaa loo soo diray Soomaaliya Sanadkii 2011 kadib dhowr weerar oo ay Al-Shabaab ku qaadeen Gudaha dalka Kenya. Markii dambe waxay ku biireen ciidammo ka kala socda Uganda, Burundi iyo dalal kale oo Afrikaan ah oo qayb ka ah AMISOM.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip