Guddoonka Baarlamaanka oo Guddi u Saaray Xayiraad Lagu Sameeyay Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Shacabka.

0
Saturday November 30, 2019 - 09:08:11 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 52
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoonka Baarlamaanka oo Guddi u Saaray Xayiraad Lagu Sameeyay Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Shacabka.

    Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Guddi xaqiiqo raadin ah u saaray Xayiraadii Safar ee dhawaan ay sheegtay Xildhibaan Daleys Xasan Aadan in lagu sameeyay 25-kii bishan xilli ay doonaysay in ay aado degmooyin ka mid ah gobolka Gedo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Guddi xaqiiqo raadin ah u saaray Xayiraadii Safar ee dhawaan ay sheegtay Xildhibaan Daleys Xasan Aadan in lagu sameeyay 25-kii bishan xilli ay doonaysay in ay aado degmooyin ka mid ah gobolka Gedo.


Gudoomiyaha golaha Shacabka ayaa Guddiga ka dalbaday in baaritaano lagu sameeyay sababta keentay xildhibaan loo diido in uu aado degaankii laga soo doortay, islamarkaana Garoonka Muqdisho lagu xayiro.

Warqad qoraal ah oo ka soo baxay Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo loo diray Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Golaha ayaa lagaga dalbaday in muddo labo todobaad gudahood Baarlamaanka ku hor-keenaan warbixin dhameystiran oo ku saabsan xayiraadii lagu sameeyay Xildhibaan Daleys Xasan Aadan.



Xildhibaan Daleys Xasan Aadan ayaa sheegtay in maalintii isniintii ay Ciidamo ka tirsan Nabadsugida ay is hor-taageen xilli ay ku soo jeeday degmada Luuq, isla markaana markii ay garoonka tagtay oo ay bixi rabtay lagu wargeliyay in aanay bixi karin, sidaasna looga reebay diyaaradda.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa cambaareeyay tallaabada lagu xayiray Xildhibaanada, waxaana ay ugu baaqeen Guddoonka in arrintan lagala xisaabtamo Hey’adda NISA, iyagoo qaarkood soo jeediyay in loo yeero Taliyaha NISA, si wax looga weydiiyo.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip