Xisbiga Wadajir ee uu Hoggaamiyo C/raxmaan C/shakuur oo Cambaareeyay Faragalinta Ciidanka Itoobiya

0
Saturday November 30, 2019 - 08:57:09 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 68
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Wadajir ee uu Hoggaamiyo C/raxmaan C/shakuur oo Cambaareeyay Faragalinta Ciidanka Itoobiya

    Xisbiga Wadajir ayaa si xooggan u cambaareeyay faragelin ay sheegeen in Ciidamada Itoobiya ku hayaan Gobollada Galgaduud iyo Gedo, oo ka tirsan dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Galmudug.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga Wadajir ayaa si xooggan u cambaareeyay faragelin ay sheegeen in Ciidamada Itoobiya ku hayaan Gobollada Galgaduud iyo Gedo, oo ka tirsan dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Galmudug.


War saxaafadeed ka soo baxay Xisbiga Wadajir uu hogaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa lagu sheegay in Ciidamada Itoobiya ee gaaray Dhuusamareeb ee aan ka tirsaneyn AMISOM looga gol leeyahay in Maamulka Farmaajo uu doonayo in uu ku afduubo doorashada Galmudug, si la mid ah tii ka dhacday sanadkii hore Koofur Galbeed.

Sidoo kale War saxaafadeedka Xisbiga Wadajir ayaa walaac looga muujiyay waxa loogu yeeray Xiriirka Mugdiga leh ee ka dhaxeeya Taliyaha Nabadsugida Soomaaliya iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya.

"Waxaa cad in Taliyaha Nabadusgida oo kaashanaya dowladda Qatar uu ka faa’ideysanayo xiriirkiisa Saraakiisha ciidanka Itoobiya xilliga kala guurka ee ay Itoobiya ku sugan tahay”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka Xisbiga Wadajir.

Madasha Qaran ee Xisbiga ayaa sidoo kale  shalay soo saartay waraaq ku qoran afka English-ka oo looga dalbanayo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed in uu joojiyo faro-gelinta ciidamadiisu ku hayaan dalkeena Si looga fogaado dhibaatooyinkii ka dhacday Dowlad Gobaleedyada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland mid lamid ah in ay ka dhacdo Galmudug.

Qaar ka mid ah Bulshada Soomaaliyeed ayaa xoojiyay walaaca ay ka qabaan Ciidanka Itoobiya ka dib doorashadii ka dhacday Magaalada Baydhabo dhamaadkii sanadkii hore, islamarkaana lagu soo qabtay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali.

Halkan ka Akhriso Warka kasoo baxay Xisbiga Wadajir:-



 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip