Madasha Xisbiyada Qaran oo Ashtako Ka Dhan Ah Ciidamada Itoobiya u Diray Ra'iisul Wasaare Abiy Ahmed.

0
Friday November 29, 2019 - 19:01:06 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 69
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madasha Xisbiyada Qaran oo Ashtako Ka Dhan Ah Ciidamada Itoobiya u Diray Ra'iisul Wasaare Abiy Ahmed.

    Madasha Xisbiyada Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa warqad furan u diray Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, iyagoo uga ashtakoonaya faragelinta Ciidamada Itoobiya ku hayaan arrimaha gudaha Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madasha Xisbiyada Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa warqad furan u diray Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, iyagoo uga ashtakoonaya faragelinta Ciidamada Itoobiya ku hayaan arrimaha gudaha Soomaaliya.


Warqada ka soo baxday Madasha Xisbiyada Qaran oo ku qornaa afka English-ka ayaa sidoo kale lagu ogeysiiyay Midowga Afrika, IGAD, Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka, Midowga Yurub, Qaramada Midoobey, Mareykanka iyo Turkiga.

Madasha ayaa xusay xarigii 6-dii November ay ciidamada Itoobiya kula kaceen saddex guddoomiye degmo oo ka mid ah kuwa Gedo, kuwaas oo la sii daayey kadib markii lagu qasbay inay kasoo horjeestaan maamulkooda Jubaland.

Madasha ayaa sidoo kale ku eedeysay ciidamada Itoobiya inay 19-kii bishan is hortaageen in madaxweyne ku-xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan uu galo degmada Beled Xaawo ee gobolka Gedo.

Waxaa dhacdooyinkaas kasii horeeyey, sida qoraalka lagu yiri, isku daygii laga hortagay ay ciidamada Itoobiya ku doonayeen inay Kismaayo ku galaan 19-kii August, si ay u faro-geliyaan doorashadii Jubaland, una xqiijiyaan in musharax horey loo qorsheeyey uu ku guulaysto.

Madasha Xisbiyada ayaa sidoo kale ciidamada Itoobiya ku eedeysay inay afduubteen doorashadii Koonfur Galbeed ee bishii December 2018, taasi oo dhalisay in dad shacab ah lagu xasuuqo Baydhaba.

"Xilliga aan qoreyno warqaddan waxaa ciidamo aad u qalabeysan oo ah Itoobiyaan aan ka mid ahayn Amisom la geeyey magaalada Dhuusomareeb, si loo faro-geliyo doorashada soo socota loona xaqiijiyo guusha musharax horey loo go’aamiyey,” ayaa lagu yiri qoraalka Madasha Xisbiyada.

Dhamaan dahcdooyinka kor ku xusan, ayay Madashu sheegtay, inay xadgudub ku yihiin xeerarka caalamiga iyo heshiiska nabad ilaalinta dalka.

Madasha ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya inuu wax ka qabto tallaabooyinka guracan ee Ciidamada Itoobiya ka wadaan gudaha Soomaaliya, iyagoo xusay in arrimahaas ay saameyn karto biladdii uu dhowaan ku guuleystay ee Nobel Peace Prize.

Qoraalka oo English ku qoran hoos ka aqriso :-






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip