Wasiirka Gaashaandhiga iyo Masuuliyiin Kale oo Tagay Degmada Owdheegle -Sawirro

0
Sunday November 17, 2019 - 16:33:14 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 56
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Gaashaandhiga iyo Masuuliyiin Kale oo Tagay Degmada Owdheegle -Sawirro

    Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Maxamed ( Amar-dambe) iyo masuuliyiin kale ayaa kormeer ku tagay degmada Owdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Maxamed ( Amar-dambe) iyo masuuliyiin kale ayaa kormeer ku tagay degmada Owdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.


Saraakiil katirsan ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa degmada Owdheegle kusoo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ay wehliyeen wasiir ku xigeenka wasaarada caafimaadka iyo Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose.

Masuuliyiintan ayaa u kuur galayay xaalada degmada Owdheegle oo bilo kahor ciidanka milatariga kala wareegeen Al Shabaab, waxa ayna masuuliyiintan sheegeen in xarumo caafimaad iyo xarumo kale oo muhiim ah laga hirgalinayo Owdheegle.

"Waxaan maanta safar shaqo ku tagnay Degmada Awdheegle oo ka soo ka baneysa dib-u-dhicii Shabaab ay u gesteen,dadka deegaanka iyo ciidamada xooga dalka ayaa si wadajir ah ugu shaqeya Amaanka,Dhamaan waxaan ka hirgelin doonaa mashaariic hormarineed ayuu yiri” Guddoomiye Najax.

Muhiimada booqashada ay wafdigaasi ku tageen Awdheegle ayaa ah in dib u dhis lagu sameeyo xarumo caafimaad, xeryo ciidan oo waaweyn, xarumo waxbrasho iyo saldhiga taliska Booliska Soomaaliyeed.

Degmada Owdheegle waxaa hada maamula ciidanka milatariga Soomaaliya gaar ahaan kuwa Sida gaarka ah u tababaran, waxaana degmadaasi laga dareemayaa isbadal tan iyo markii ay dowlada si buuxda ula wareegtay.








Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip