Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya oo Saraakiil u Magacaabay Xilal Cusub (Akhriso)

0
Saturday November 16, 2019 - 17:11:35 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 55
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya oo Saraakiil u Magacaabay Xilal Cusub (Akhriso)

    Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa Xilal u cusub u magacaabay Saraakiil ka tirsan ciidankaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa Xilal u cusub u magacaabay Saraakiil ka tirsan ciidankaas.


Wareegto ka soo baxday taliyaha ayaa lagu xilal cusub loogu magacabay sadex ka mid ah saraakiisha Booliska oo kala ah

Taliyaasha cusub ee la magacaabay ayaa waxa ay taliyaal ka noqonayaan saldhigga Booliska garoonka diyaaradaha,Akademiyada Ciidanka boliiska iyo Taliyaha ciidanka Miino Baarista Booliska.

1) G/Sare Cabdikariin Xuseen Macalin ayaa loo magacaabay Taliyaha Akedeemiyada Gen.Kaahiye

2) G/lle Cabdifitaax Bashiir Cali Taliyaha Saldhigga Booliska garoonka Aadan cadde.

3) G/lle Asad Cabddalla Saciid Taliyaha Laanta Miina Baarista ee ciidanka Booliska.

Saraakiishan ayaa la faray iney si dhaqsi ula wareegaan xilalka cusub ee loo magacaabay iyo taliyeyaasha iyo hoganada Booliska la faray iney waajibaadkooda gacan ku siiyaan.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa socday Isbedelo lagu sameynaayay taliska iyo Saldhigyadda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip