Dowladda Soomaaliya oo War Ka Soo Saartay Siyaasadda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dadweynaha.

0
Friday November 15, 2019 - 18:08:02 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 20
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo War Ka Soo Saartay Siyaasadda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dadweynaha.

    Wasaarada arimaha gudaha iyo federaalka Xukuumada Soomaaliya ayaa warbixin kasoo saartay Siyaasadda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dadweynaha iyo sida ay muhiim u tahay in la helo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaarada arimaha gudaha iyo federaalka Xukuumada Soomaaliya ayaa warbixin kasoo saartay Siyaasadda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dadweynaha iyo sida ay muhiim u tahay in la helo.


Wasaarada ayaa sheegtay Aqoonsi la’aanta ay sababtay dhibaatoyin la xiriira helitaanka shacabka adeegyada dhaqaale iyo shirkadaha adeegga lacagaha oo buuxin waaya shuruudaha looga baahan yahay, isla markaana khatar geliya gudbinta iyo isdhaafsiga xawilaadaha.

Halkan ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Wasaarada arimaha Gudaha

JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA

WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA FEDERAALKA IYO DIB U HESHIISIINTA

                        Siyaasadda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dadweynaha

Marka ay caddaatay in ay:

  • Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) ku tilaabsatay isbeddelo ay ku abuureyso xasilooni, horumar dhaqaale iyo mid bulsho ee waara;
  • Xiriirka iyo kalsoonida shacabka iyo xukuumaddu ay udub-dhexaad u yihiin dawladnimada. Xiriirka iyo kalsoonidu ay keenaan wada-shaqeyn, amni, dawlad wanaag, iyo horumar qaran ee waara;
  • Soomaaliya soo martay dagaal sokeeye oo sanadaad socday, taasoo keentay burbur bulsho iyo mid dalba;
  • Waqtigan xaadirka ah uusan jirin nidaam urursan ee aqoonsiga asaasiga ah, isla markaasna tayeeysan oo si lagu kalsoonyahay u caddeyn kara jiritaanka iyo hubinta shaqsiga sita;
  • Aqoonsi la’aanta "digital”-ka ah sababtay dhibaatoyin la xiriira helitaanka shacabka adeegyada dhaqaale iyo shirkadaha adeegga lacagaha oo buuxin waaya shuruudaha looga baahan yahay, isla markaana khatar geliya gudbinta iyo isdhaafsiga xawilaadaha
  • Xukuumaddu garaawsatay in loo baahanyahay, ayna habboon tahay, in ay sameyso nidaam lagu maamulo aqoonsiga dadweeynaha, iyo in la dejiyo shuruucda, maareynta, iyo yagleelka hey’adda aqoonsiga si waafaqsan dhaqanka wanaagsan ee caalamka ka jira;
  • Marka laga reebo nidaamyo yar-yar oo aqoonsi kali-kali ah, oo mid waliba xog-keydkiisu u gaar yahay isla markaasna aan isku xirnayn, in aanu dalka ka jirin nidaam urursan;
  • Nidaamka aqoonsiga adag ee "digital”-ka ah u sahlayo adeegyada lacagaha, qulqulka xawaaladaha, isla markaana tayeynayo adeegyada dowladda, joogteynayo "digitization”-ka dhaqaalaha, horana u marinayo ganacsiga iyo dhaq-dhaqaaqa bulshada si nabad ah oo nimaad ku dheehan yahay;
  • Xukuumaddu ay garawsantahay in, si loo hirgeliyo nidamka aqoonsiga "digital”-ka ah oo tayeysan, loona dhan yahay, loo baahan yahay iskaashi joogta ah oo dhex mara daneeyayaasha dalka iyo dibadda, sida hay’adaha Dowliga iyo kuwa gaarka ah, bulshada rayidka ah, iyo dawladaha xubnaha ka ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomalia (JFS);
  • Xukuumaddu in ay ku fara-adeegto arrintan waxaa ku saacidaya beesha caalamka iyo farsamo yaqaanno kala duwan oo ay ka mid yihiin saaxibada taakuleeya horumarka dalka, waxaana lagu dhisay wadatashi ay Xukuumaddu hoggaamiso, si looga mira dhaliyo siyaasaddan; iyo
  • Xukuumaddu siyaasaddan uga gol-leedahay in ay curiso fursado dhaqaale iyo mid bulsho, isla markaana ay hagaajiso adeegyada hay’adaha Soomaaliya.

Ujeedooyinka Siyaasadda

Iyadoo ka ambaqaadeysa arrimaha kor ku xusan, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) waxay ku dhawaaqeysaa in ay gaarto ujeedooyinka soo socda:

  • In la dhiso cilaaqaad iyo kalsooni dhex marta dawladda iyo shacabka, si loo helo nidaam aqoonsi oo casri ah, loo dhanyahay, tayeysan, dheeli-tiran oo caddeyn kara jiritaanka shaqsi kasta ee deggan dalkan;
  • In la dhiso "aqoonsi asaasi” ah oo mideysan, "digital”-na ah, kaasoo u suurta gelinaya qof kasta in uu si sharci ah ku caddeeyo jiritaankiisa, si toos ahna u helo xuquuqdiisa ee dhinaca dawliga iyo kuwa gaarka ah;
  • In la dhiso xog-dhig federaal ah ee waara laguna kalsoon yahay, ee ku saleysan mabaadi’da "qaabka furan” (open system) oo aan u janjeerin shirkad ama cid gaar ah, kaaso fududeeynaya isku-xirka nidaamyada kale oo jira, iyadoo aan marna ka weecaneyn sharciga, kor-joogteynta iyo taabagelinta hay’adeed;
  • In shaqsi kasta oo deggan Soomaaliya la siiyo tirsi caam ah oo asaasi ah, oo aan saamaxeyn takoor iyo faquuq, kaasoo ah mid soo-dhac (random), mardhac (unique) iyo sax ah, shaqeeyana laga bilaabo dhalashada ilaa dhimashada shaqsiga haysta aqoonsigaas;
  • Nidaamkan aqoonsigu waa in uu xambaarsan yahay astaamo lagu xaqiijin karo aqoonsiga qofka, si adeeg bixiyaasha oo dhan ay si kalsooni ah ula macaamilaan;
  • Si taas loo helo, waa in nidaamka aqoonsigu ku saleeysnaadaa mabaadi’da caalamka ee loo yaqaan "Principles on Identification for Sustainable Development,” uuna yahay mid daahfuran, aan takoor laheyn, caam ah, wax qabad leh, waarana; iyo
  • In nidaamkan loo sameeyo si ku saleysan wada shaqeyn, si ay uga muuqdaan danaha iyo hortebinta shaqsiyaadka sita aqoonsiga iyo daneyayaasha guud, sida dawladaha xubnaha ka ah Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, waaxda hanti-gaarka ah, bulshada rayidka ah, iyo dadka loogu talagalay in la diwaangeliyo si ay u qaataan aqoonsiga "digital”-ka ah.

Erayada loo isticmaalay siyaasaddan waxaa lagu soo bandhigayaa "Eraybixinta” ku xusan Lifaaqa 5aad (Annex 5). Dhammaan lifaaqyada siyaasaddan waxay la socdaan qoraalkaan si loo tixraaco.

Hirgelinta

Si loo xaqiijiyo ujeedooyinka kor ku xusan, Xukuumadda Federalka Soomaaliya, waxay ku tilaabsaneysaa hawlaha soo socda:

  • In ay dhaqan geliso sharci lagu saleynayo dhismaha iyo hirgelinta nidaam aqoonsi oo tayeysan, loo dhanyahay, iyo aqoonsi "digital”-ah oo laga baaraandegay, isla markaana suurta gelinaaya arrimaha soo socda oon aan afjarneyn:

o In uu qeexo ujeeddada nidaamka aqoonsiga ee ku cad siyaasaddan; farsamada lagu soo bandhigo nidaam xubnihiisa oo ay ka mid yihiin xeerarka suurtagelinaya isku xirka iyo la shaqeynta nidaamyada aqoonsiga kale oo jira; nooca hor-xogta la uruurinayo (Annex 2); habraaca iyo shuruudaha diwaangelinta iyo helitaanka aqoonsiga (Annex 3); bixinta iyo isticmaalka sifaadka kaarka Aqoonsiga; iyo farsamada iyo habka lagu hubinayo ama lagu caddenynayo;

o In ay ku cadyihiin awoodaha, hawlaha, iyo arrimaha gaarka ah ay kala leeyihiin Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u- heshiisiinta (Wasaaradda) iyo Hey’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta ee Federaalka (Federal Identification & Registration

Agency – FIRA ama Hey’adda). Sida lagu faah-faahinaya Sharciga:

▪ Wasaaraddu waxay u xilsaaran tahay in ay dejiso siyaasadda (policy), ka shaqeeyso sharciga iyo aaladaha shuruucda ee arrintan khuseeya, ay dhisto maamulka FIRA, ay Golaha Wasiirada u gudbiso qoondada miisaaniyadda FIRA, iyo in ay kor ka eegto FIRA;

▪ FIRA waxay noqonaysaa hey’ad madax-bannaan hawl iyo maamul ahaan mas’uulna ka ah maaraynta hawlaha la xariira aqoonsiga dadweynha ku nool dalka. (Eeg Lifaaqa 1 oo ay ku qeexanyihiin hawlaha gaarka ah);

o [In ay hubiso, si sharciga la mid ah, caddaynta "digital”-ka ah, dukumeentiga "digital”-ka ah, iyo heshiisyada "digital”-ka ah;] iyo

o In ay hubiso jiritaanka iyo caddeymaha Tirsiga iyo/ama dukumentiga aqoonsiga ee la siiyey dadka leh Tirsiga—illaa iyo xadka loo baahanyahay in ay u furnaato helitaanka adeegyadakala duwan ee dawliga iyo kuwa gaarka ah, iyo howl-dhacyada la

xariira (related transactions);

  • In ay soo saarto sharci kale oo laga maarmaan ama xili-ku-toos ah oo ay u aragto in uu saameyn wanaagsan ku yeelanayo waxyaabaha kor ku xusan.
  • In ay dhaqangeliso sharci kasta oo ay ku xaqiijineyso xafidaadda hor-xogta shaqsiga si waafaqsan dhaqanka suuban ee caalamka ka jira, oo ay ka mid yihiin, ayadoo aan xaddidin, ururinta, keydinta, isla-wadaagga, iyo furnaanshada khadka iyadoo ay la socoto xafidaadda hor-xogta iyo mabaadi’da "privacy”-ga ee ku tixan hoos; xuquuqda dadku u leeyihiin hor-xogtooda; amniga "cyber”-ka; farsamada yagleel (Eeg Lifaaqa 4aad).
  • Curinta Maareynta Nidaamka Aqoonsiga taaso awood sharciyeed siineysa hay’adda, oo ay ka mid yihiin:

o In loo uruuriyo, loona maareeyo, sifa-shaqsiyeedka iyo hor-xogta xog-dhalyada (biometric) shaqsiga si xafidan, tayeysan, waarta, loona keydiyo si waafaqsan halbeegga farsamada iyo shuruucda caalamka, iyo iibka dhexdhexaadiga ah;

o In la hubiyo in aqoonsi kasta oo la qoray uu yahay mid soo dhac ah;

o In qof kasta oo deggan dalka, ka bilaabata marka uu dhasho, hor- xogtiisa la qoro, lana siiyo Tirsi mar-dhac ah oo aan mar kale lagu celin karin;

o In kaarka aqoonsi la siiyo qof kasta oo qaangaar ah oo deggan dalka, sida sharcigu qabo ama xeer dhaqangalay;

o In loo igmado xubin seddaxaad (oo ka baxsan FIRA iyo shaqsiga) hubinta iyo caddeynta aqoonsiga shaqsiga; xubintaas oo ka imaan karta hey’adaha dawliga ama kuwa gaarka loo leeyahay;

o In loo soo bandhigo dadka is diwaangeliya macluumaadka ku saabsan heerka diwaangelintooda, kaarka aqoonsiga la siiyey, wargelin iyo codsashooyin kale ay qabaan, ee ku saabsan isticmaalka iyo daahfurnaanta hor-xogtooda.

  • Faahfaahinta sharciga ay siyaasaddan ku baaqeyso waxaa la soo marsiin doona wadatashi shacab iyo daneeyeyaasha kale.

Tilaabooyinka Xiga iyo Hawlaha Ku-meelgaarka

  • Marka hore, siyaasaddan waxaa lagu daabici doonaa "Official Bulletin”-ka Xukuumadda, ka dibna waxaa dadweynaha loogu soo bandhigi doona shabakadaha isgaarsiinta (websites) ee Wasaaradda iyo Xafiiska Garyaqaanka Guud (Attorney General’s Office).
  • Marka laga reebo arrimaha hoos ku xusan, Wasaaraddu waxay sameyneysaa guddi ku meelgaar ah (Task Force) oo hirgeliya siyaasaddan.

Guddigani wuxuu ku hawlgelayaa hirgelinta siyaasaddan laga bilaabo marka ay dhaqangasho, si sharci ahna lagu dhiso FIRA mudda xiliyeedkandhexe ("Interim Period”), iyada uu la socdo Unuga Hirgelinta Mashruucan (Project Implementation Unit). Hawsha loo igmaday Guddiga (Terms of Reference) waxay ku xusantahay "Annex 6”. Marka laga gudbo xilli- dhexaadka maamulka ku-meelgaarka, Guddiga hawsha waday (Task Force) waa in uu FIRA ku wareejiyaa dhammaan heshiisyada la galay (ay ka mid yihiin dhammaan xuquuqaha iyo mas’uuliyadaha la socda), hawlihii qabsoomay, hanti, imkaaniyaad, deymo iyo wixi kale ee Guddigu qabtay iyo kharashkii uu galay xilli-dhexaadki; marka uu intaa guto kadib, Guddigu waa kala tegayaa. Si looga hortago shakiga, waa in uu Guddigu (Task Force) sharciga, xeerarka, iyo awaamirta Xukuumadda

waafajiyaa dhammaan hawlihii uu qabtay, tilaaboyinkii uu qaaday, hantidii iyo imkaaniyaadkii uu hayey, iyo wixii deymo, heshiisyo iyo mas’uuliyado uu qaaday ka dib marka laga gudbay xilli-dhexaadki.

  • Isla markii siyaasaddan dhaqangasho, Wasaaradda waxaa waajib ku ah in ay ku tilaabsato, iyado kaashaneysa Unugga Hirgelinta Mashruuca (PIU), wixii waxqabad ah oo laga maarmaan ah uu aanu Guddiga Maamulka Aqoonsiga (ID Task Force) qaban si siyaasaddani u taabagasho.

(Faah-faahinta hawlaha Guddiga Maamulka Aqoonsiga ka eeg Lifaaqa 6aad)

LIFAAQA 1aad

AWOODAHA IYO WAAJIBAADKA HEY’ADDA

FIRA waxay ku hawlgeleysaa si sharci ah, wayna u madaxbannaan tahay miisaaniyad iyo hey’ad ahaanba.

FIRA waxay yeelaneysaa awood iyo sharci, ay ka mid yihiin, in ay geli karto heshiis, lahaan karto hanti, maareyn karto miisaaniyaddeeda, amaahan karto lacag, dacwad soo oogi karta laguna soo oogi karo.

FIRA waxay mas’uul ka tahay hirgelinta nidaamka kaarka "digital”ka ah, sida sharcigu dhigayo. Sidaa darteed, hey’adda waxaa laga filayaa in ay qabato, waxyaala ay ka midyihiin, kuwa soo socda, si ay u gudato hawlaha loo igmaday:

  1. a) In ay dejiso halbeegga, "protocols”ka iyo aragti-siyaasadeedka, oo ay ka mid tahay in ay shati siin karto xubin seddaxaad, si ay u uruuriso hor- xog, kormeertana habraaca qoridda iyo diiwaangelinta dadka;
  1. b) In ay hubiso xafidaadda hor-xogta aqoonsiga iyo in si mas’uul ah, tayeeysana, u maareyso kaydka hor-xogta Federaalka;
  1. c) In ay bixiso tirsi aqoonsi oo asaasi ah iyo dukumentiyo aqoonsi oo kale, ayna xaqiijiso in qof kasta oo dalka deggan ay fursad u yeelato aqoonsi asaasi ah;
  1. d) In ay siiso wasaaradaha, hey’adaha la wada leeyahay iyo kuwa gaarka loo leeyahay, oo ay si gaar ah u saameyso, adeegga hubinta iyo xaqiijinta aqoonsiga;
  1. e) In ay qabato xog isweydaarsi, waxbarasho, iyo isgaarsiin si ay u xaqiijiso nidaamka kaarka aqoonsiga oo ah mid caam ah oo furan iyo sifooyinkiisa;
  1. f) In ay cilmibaaris ku sameyso tabaha iyo habraaca ugu wanaagsan ee caalamka ka jira ee ku saabsan aqoonsiga si ay hey’addu mar kasta ugu heegnaato adeega dadka dalka deggan;
  1. g) In ay si joogta ah isugu hawsho xoojinta tayada iyo aqoonta shaqaalaha isla markaana ay daneeyayaasha guud ugu wargeliso xeerarka iyo habraaca nidaamka kaarka aqoonsiga.

Abaabulka Xukunka iyo Magacaabista Maarenynta Hey’adda

Siyaasaddan iyo falgallada FIRA waxaa korjoogteynaya Guddi Agaasimeed (Board of Directors). Xubnaha Guddiga, iyo laamaha kale ee xukuma, siiba maareyayaalka sare iyo shaqaalaha Hey’adda waxaa xilka loogu dhiibayaa, xilkana looga qaadayaa, si waafaqsan Sharciga iyadoo lagu saleynayo xaqiiqada jirta iyo sifaad daahfur leh. Maareeyayaalka iyo Guddi Agaasimeedka FIRA waxay xilka haynayaan muddo cayyiman.

Guddi Agaasimeedka FIRA wuxuu mar kasta ka faa’iideysanayaa wargelin ka timid Guddi Shaqo ee Talawadaagga Daneeyayaasha (Stakeholder Consultative Working Group) oo isugu jira deneeyayaalka guud, wasaaradaha ay khuseyso, matalayaalka Dawlad Goboleedyada Soomaliya, waaxda hey’adaha gaar loo leeyahay, bulshada rayyidka ah, iyo inta kale oo isticmaasha aqoonsiga, ama daneeyneysa hirgelinta suuban iyo falgallada nidaamka aqoonsiga "digital”ka ah ee Soomaaliya.

Sida ka muuqandoonta sharciga, xubnaha Guddi Agaasimeedka iyo laamaha kale ee xukuma Hey’adda waa in ay ka muuqato kala duwanaanta shacabka Soomaaliyeed, waana in uu habraaca magacabistooda iyo xil-u-dhiibistoodu ku saleysnaado mabaadi’da sinnaanta, loo dhammaashada iyo isu dheelitirka ijtimaaciga ah.

Iyadoo ay raaceyso mabaadi’daas, Wasaaraddu waa in ay ku soo dartaa laamahaas dumar, dadka laga tirada badan yahay, deegaan-joogtada Dawlad Goboleedyada Soomaaliya, xubnaha beesha ganacsatada, iyo xubnaha firfircoon ee ururada bulshada rayyidka ah.

Danaha iska hor Imaanayaa

Qofna xil kama qaban karo, mana sii joogi karo FIRA, ha ahaado xubin Guddi Agaasimeed ama shaqaale, haddii uu in laba sano ka yar uu si toos ah ama si dadban ula yeeshay adeeg-bixiyayaalka, ama kuwa daraf ka ah heshiis iib, la yeeshay xiriir lacageed, ganacsi ama dana shaqsiyeed, xag is dhaafsi qalab ama adeeg, oo la xiriira dhisidda ama falgalka FIRA.

Miisaniyad

FIRA waa hey’ad la wada leeyahay. Miisaaniyaddeeda iyo dakhligeeda waxay ka heshaa ilaha soo socda:

  1. a) Miisaaniyadda sanadlaha ee dawladda;
  2. b) Kab miisaaniyadeed oo ay ka hesho deeq-bixiyayaalka dalka iyo kuwa caalamka;
  1. c) Qaraamaad laga qaado loo adeegeyaalka (oo ku kooban hawlo dheeri ah oo kali ah); iyo
  1. d) Qaraamaad daraf seddexaad oo ku xiran adeegga xaqiijinta aqoonsiga.

Qaramaadka laga qaado loo adeegayaalka iyo xaqiijinta aqoonsiga waxaa lagu dejinayaa fiiro gaar ah si loo xaqiijiyo in ay sii jirto furnaanta nidaamka kaarka aqoonsiga si dhammaan dadka isticmaala ay u helaan adeegyada iyo "transactions”ka u baahan xaqiijinta FIRA.

LIFAAQA 2aad

SHURUUDAHA LAGU KASBANAAYO SIFADA AQOONSIGA

Mudnaanshada Aqoonsiga

Qof kasta oo ku nool dalka, marka laga reebo booqdayaalka, ayaa mudan in la siiyo dukumentiyada iyo tirsiyada aqoonsiga, xaqna u leh in la diiwaangeliyo si uu u helo tirsi iyo dukumenti aqoonsi.

Muwaadinnimo ma aha shuruud ku xiran diiwaangelinta iyo bixinta "Tirsi” ama kaarka aqoonsiga. Bixinta lambar Tirsi iyo kaarka aqoonsiga waxay suurta gelinayaan in qof kasta oo joogta dalka ay "muuqato”, ayna leedahay aqoonsi caddeynaya jiritaankiisa, kaasoo si baahsan ugu furaya adeegga iyo waxqabadka

Habraaca Xoojinta Aqoonsiga

Shuruudaha diiwaangelintu waxay ahaanayaan kuwa fudud, waxaana loo dejinayaa si ay dadku dhammaan si sahlan oo furan uga qeyb qaataan nidaamka aqoonsiga. Qof mudan in la siiyo aqoonsi looguma diidi karo diwaangelinta sabab dukumenti la’aan.

Dalacaad lacag

Diwaangelinta iyo bixinta lambarka Tirsi iyo sifaadka (sida, kaar) waxaa lagu bixinayaa bilaash si loo xaqiijiyo in si fudud kaarka aqoonsiga dadku u wada helaan.

Qaraamaad waa la qaadi karaa inta sharcigu ogolyahay, sida adeegyada hortebinta leh ama adeegyada caddeynta aqoonsiga ee adeegayaalku soo codsadaan.

Cabasho iyo Saxid

Qof kasta oo loo diido Tirsi iyo/ama aan buuxin sifooyinka lagu qaato wuxuu xaq u leeyahay in loo caddeeyo sababaha loogu diiday; waxaa kale oo uu xaq u leeyahay in uu racfaan ka qaato go’aanka hey’adda si mar dib loogu eego codsigiisa. Qofkani wuxuu xaq u leeyahay in waqti go’an loo siiyo jawaab waafi ah oo qoraal ah.

Go’aan U-dhammaasho Xagga Adeeg Bixinta

Lambarka Tirsi la’aanta iyo/ama sifaadka lagu helo qofna kama hor istaagi karto adeegga bulshada loo fidiyo. Haseyeeshe, hey’adaha qaarkood wey ku xiri karaan adeegyada ay bixiyaan "dukumenti” aqoonsi si ay u hubiyaan aqoonsiga codsadaha.

LIFAAQAA 3aad

URUURINTA HOR-XOGTA EE DIIWAANGELINTA

Uruurinta hor-xogta ee nidaamka aqoonsiga wuxuu la soconayaa mabaadi’da sharciga ku xusan, aan xaddidneyn, mabaadi’da isu dheelitirka, daahfur xaddidan, iyo takoor la’aan.

Ayada oo la raacayo mabaadi’dan, waxaa la xadidayaa caddadda goobaha la dhigayo hor-xogta ee diiwaangelinta, iyo soo bandhigidda sifaadka aqoonsiga qofka, kuwaas oo ku ekaandoona inta muhiimka u ah caddeynta aqoosiga iyo fududeynta helitaanka adeegga bulshada.

Lama uruurin karo macluumadka xasaasiga ah ee keeni kara qofka in lagu takooro diintiisa, isirkiisa (ethnicity), guurkiisa/madaxbannaanidda, iyo halka uu mujtamaca uga jiro xag dhaqaale iyo xag bulsho. Waxaa la soo jeedinayaa in hor-xogta la uruurinayo ay ku koobnaato kuwa soo socda:

  1. a) Magaca qofka, kan aabaha, iyo kan awoowaha/abkoowga
  2. b) Taarikhda uu qofku dhashay (maalinta, bisha iyo sanadka)
  3. c) Jinsiga (dhedig ama lab)
  4. d) Sawirka qofka
  5. e) Raadka faraha (10ka far) iyo/ama sumadda indhaha (IRIS)
  6. f) Lambarka talefoonka iyo/ama "emailka” qofka oo loo gol-leeyahay is gaarsiin iyo/ama caddeyn (waa akhtiyaarka qofka) hor-xogta la uruuriyo waxa lagu keydinayaa xog-dhigga FIRA.

LIFAAQA 4aad

SHURUUDAHA GUUD EE XAFIDAADDA HOR-XOGTA

  1. Qasdiga iyo Baaxadda Aqoonsiga

Sharciga waa in ay ku jiraan:

  • Qeexidda ulajeedada sharciga.
  • Qeexidda hor-xogta qofka.
  • In la xaqiijiyo in si siman loogu dabakho ururada bulshada iyo kuwa khaaska loo leeyahay. Sidoo kale, waa in lagu dabakho sharci fulinta, hay’adaha amniga qaranka iyo kuwa sirdoonka. Haddii cid laga saarayo, waa in ay noqdaan inta ugu caddadda yar ee suurtagalka ah, iyadoo isla markaana shacabka la ogeysiinaayo.
  • Xuduudda iyo shuruudaha dabagalka ee xukuumadda saaraan waa in ay caddaato.
  • Xafidaadda hor-xogtu waa in ay la socotaa hor-xogta qofka, balse waa in aysan ku xirnaan baraha uu fadhiyo maareeyaha ama falgeliyaha (processor) hor-xogta qofka.
  1. Dhisidda Shuruudaha Sharciga ee Lagu Dabbaalayo Xafidaadda

Mabadi’da Hor-xogta

Sharcigu waa in uu soo hortabiyaa:

  • Caddaalad, sharci-ku-saleysnaan iyo daahfurnaan: Uruurinta hor-xogta qofka waa in lagu qaadaa si sharciga ku dhisan waddo caddaalad ahna loo soo maraa. Uruurinta hor-xogta waa in si daahfuran lagu sameeyo shaqsiyaadka ay saameyso waa in si cad loogu sheego loona ogeysiiyo sida hor-xogtooda loo falgelinaayo iyo cidda falgelineysa. Marna waa in aaney jirin aalado qarsoodi ah ee sameeya falgallo hor-xogeed.
  • Xaddididda Qasdiga: Hor-xogta shaqsiga waa in lagu falgeliyaa si cayyiman, la sheegay, ujeedo sharcina leh. Ulajeeddada uruurinta hor- xogta waa in si cad loo sheego marka la sameynayo. Hor-xogta la uruuriyo waa in loo isticmaalo qasdigii laga lahaa oo keli ah. Lama ogola in hor-xog loo uruuriyey qasdi cayyiman loo isticmaalo mid kale iyadoo aan ogeysiis, aqbalaad ama sababeyn loo yeelin.
  • Koobnaanta Hor-xogta: Waxaa la uruurin karaa hor-xogta lagamamaarmaanka ah oo keli ah.
  • Xaqiijinta Xor-xogta: Hor-xogta shaqsigu waa in ay hufan tahay ayna dhameystiran tahay, turxaan-bixin joogta ahna lagu hayaa, si ay waayaha ula socoto.
  • Xaddidaadda Keydka: Keydinta hor-xogta qofka waa in aan dhaafsiisneyn muddada muhiimka ah oo keliya iyo ulajeedadii marka hore loo uruuriyey loona keydiyey.
  • Sharafta iyo Aaminaadda: Hor-xogta qofka waa in loo difaacaa si macquul ah oo leh tabaabusheysi ammaan si looga ilaaliyo lumis, gelid aan fasaxneyn, dumis, isticmaal, wax-ka-beddel, ama soo bandhigid.
  • La Xisaabtan: Hey’ad kasta ee falgelisa hor-xogta shaqsiga, iyado isticmaaleysa muggeeda maareynta ama falgelinta hor-xogta, waa in ay muujisaa isla xisaabtan iyo u hoggaansanka sharciga. Waa in ay sharaxaan, muujiyaan, caddeeyaanna in ay ixtiraamayaan xogta dadka ee ay hayaan ha ahaato hage (regulators) ama shaqsiyaad.
  1. Dhismaha Shuruudaha Shuruucda ee Lagu Difaacayo Xuquuqda Hor-

xogta Dadka

Dadku waxay leeyihiin xuquuqaha soo socda:

  • Xog Helid: Dadku waxay xaq u leeyihiin in ay ogaadaan cidda isticmaaleysa hor-xogtooda iyo qasdiyada ay ka leeyihiin.
  • Furnaasho: Qofku wuxu xaq u leeyahay in uu ogaado in la falgeliyey habraaca hor-xogtooda iyo in kale, qasdiga falgelinta, sharciga lagu saleeyey falgelinta, halka hor-xogtu ka timid, cidda laga yaabo in lala wadaagay, waqtiga keydka lagu haynayo, in hor-xogtooda loo isticmaalayo in la uruuriyo sifaadkooda oo qarsoon iyo in go’aanno iska-daba-dhac ah (automatic) laga gaaro, kuwaas uu la socdo xogta laga hayo.
  • Saxid, Horjoogsi iyo Tirtirid: Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in uu hubiyo in ay hor-xogtiisu tahay mid hufan, dhammeystiran, waqtigana ku jaango’an—ama uu horjoogsado ama u tirtiro.
  • Diidmo: qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in uu diido marka uu doono in hor-xogtiisa la falgeliyo. Diidmooyinka qaar waa xaq lama-taabtaan ah, sida dukaameysiga tooska ah. Marka loo baahdo falgalada kale ee hor- xogta waa in la sababeyaa.
  • La Guuridda Hor-xogta: Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in uu codsado, asagoo raacinaya raali-ahaanshahiisa, in hor-xogtiisa loo diro adeeg bixiye kale.
  • Sifaad Uruurin Qarsoon iyo Go’aan Gaarid Iska-daba-dhac ah: Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in uu diido falgelidda hor-xogtiisa, oo ay ka mid tahay sifaad uruurin qarsoon iyo in aan la duldhigin go’aan iska- daba-dhac ah oo aan bani-aadam faragelin ku lahayn, waa haddii go’aan kaasu saameyn culus ku leeyahay.
  • Bogsiin Hufan, ay ku Jiraan Dhibgud iyo Ku-sheegasho: Qof kasta wuxuu xaq ugu leeyahay maareyaha hor-xogtiisa iyo/ama falgeliyaha hor- xogtiisa haya bogsiin hufan, oo ay ku jirto dhibgud la xiriira aafada loo geystay.
  1. Dhisid Falgal Hor-xogeed Mucayyin ah oo Xaddidan

Asbaabta lagu sameynayo falgalka hor-xogta waa in ay xaddidan yihiin oo si cadna loogu qeexo sharciga. Taas waxaa ka mid noqon karta:

  • Raaliyadda Qofka: Arrintani waa mid u baahan habraac firfircoon oona la sheegay oo shaqsiga lagu siiyo bilaash, cayiman, xog xambaarsan aana humaag laheyn. Matalan, "raaliyad” waa in aan qofka looga dhalin shuruud ka dhigeysa meel la astaameeyey mid aan astaameysneyn; waana in ay ahaataa mid qofku ikhtiyaarkiisa ku bixiyey. Raaliyaddu waa in ay ahaataa mid qofku marki uu doono la noqon karo.
  1. La dejiyo shuruuc khaas ah oo la xariira waajibaadka ilaaliyaasha iyo maamulada xogta
  1. La dejiyo kormeere madaxbanaan ee ilaalinta xogta

LIFAAQA 5aad

ERAYBIXIN

Erayada ku jira siyaasaddan waxay leeyihiin macnaha mid kasta ku hor qoran.

"Aqoonsiga Asaasiga (Foundational ID)”: Waa nidaam aqoonsi oo loo abuuray in uu fursad u siiyo qof kasta in ay hesho aqoonsi iyo sifooyin caam ah oo ay u

isticmaasho maamulka dawliga ah iyo adeegyada kala duwan ee baahsan, xagga hawl-qabadka (transactions), adeegyada, iyo sifaadka ka soo unkama, ee hay’adaha la wada leeyahay iyo kuwa goonida loo leeyahay.

"Aqoonsiga Adeegyada Gaarka (Functional ID)”: Waa nidaam aqoonsi oo loo sameeyey in lagu maareeyo aqoonsiga adeegyada gaarka ah oo loogu talagalay adeegyada iyo wax-is-dhaafsiga khaas ah, sida codeynta, maamulka canshuuraha, mashruucyada bulshada iyo adeegyada la xariira is-dhaafsiga iyo gudbinta lacagaha, iyo in ka badan.

LIFAAQA 6aad



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip