Dowlad Goboleedka Jubbaland oo QM u Gudbisey Dacwad Ka Dhan Ah Ciidamada Itoobiya.

0
Friday November 15, 2019 - 17:30:32 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 47
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowlad Goboleedka Jubbaland oo QM u Gudbisey Dacwad Ka Dhan Ah Ciidamada Itoobiya.

    Maamulka Jubbaland ayaa cabasho ka dhan ah dowlada Ethiopia u gudibiyay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay dalka Soomaaliya James Swan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Jubbaland ayaa cabasho ka dhan ah dowlada Ethiopia u gudibiyay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay dalka Soomaaliya James Swan.


Qoraal uu ku saxiixnaa Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Jubbaland Xirsi Jaamac ayaa lagu sheegay in dowlada Ethiopia ay ku soo xadgudubtay deegaano ka mid ah gobolka Gedo ayna ka qafaalatay mas’uuliyiinta illaa saddex degmo oo ka tirsan Gedo.

Maamulka Jubbaland ayaa ugaga digey Qaramada Midoobay in dowlada Ethiopia ay qorsheyneyso iyadoo ay gadaal ka riixeyso dowlada federalka in gobolka Gedo uu ku dhowaaqo inuu ka go’ay Jubbaland taasna ay cawaaqib xumo ka dhalan karta.

"Itoobiya waxay qorsheyneysaa iyadoo ay gadaal ka riixeyso dowlada federalka in gobolka Gedo uu ku dhowaaqo inuu ka go’ay Jubbaland taasna waxaa ka dhalan kara cawaaqib xumo” ayaa lagu yiri qoraalka oo uu ku saxiixnaa Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Jubbaland Xirsi Jaamac.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka loo gudbiyay wakiilka qaramada midoobay ee dalka Soomaaliya.







Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip