Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Dil iyo Xabsi Daa'in Ah Ku Ridday Rag Loo Heysto Dilalka Askar iyo Shacab.

0
Thursday November 14, 2019 - 10:25:13 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 59
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Dil iyo Xabsi Daa'in Ah Ku Ridday Rag Loo Heysto Dilalka Askar iyo Shacab.

    Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ee dowlada Soomaaliya ayaa xukuno isugu jira dil iyo xabsi daa'in waxa ay ku riday afar dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay in xubno ka ahaayeen Al Shabaab sidoo kale dilal geesteen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ee dowlada Soomaaliya ayaa xukuno isugu jira dil iyo xabsi daa'in waxa ay ku riday afar dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay in xubno ka ahaayeen Al Shabaab sidoo kale dilal geesteen.


Maxkamada ayaana xukuno dil ah ku riday Suceyb C/llaahi Maxamed iyo Saadaq Cabdi Jabaar Cumar, waxaana labadan nin lagu eedeeyay in dilal kala duwan ka fuliyeen magaalada Muqdisho.

Saadaq Cabdijabaar ayaa loo heystaa inuu ka mid ahaa Al-Shabaab, gaar ahaan qeybta fulisa dilalka qorsheysan, waxaana lagu qabtay dilka Marxuum Ex Dable Maxamuud Xasan Ibraahim oo la dilay bishii March ee sanadkan 2019.

Eedeysanaha kale Shuceyb C/llaahi Maxamed ayaa isna loo heystaa dilka 3 askari iyo qof shacab ah oo ka ganacasanayay Hilibka, waxaana Maxkamadda ku soo eedeysay inuu siyaabo kala duwan ugu dilay Muqdisho illaa saddex askari laga soo bilaabo sanadkii 2017 illaa 2018.

Shceyb ayaa si gaar ah loogu soo eedeeyay inuu dilay Saddex askari oo lagu kala magacaabo Marxuum Ex- S/X/le X. Xuseen Macalin Cali Jilacow 28/06/2017, Marxuum Ex- G/le Bol. Yuusuf C/laahi Max’ud 09/12/2017 iyo Marxuum Ex- L/x/le Bol, C/laahi Ibraahim Xasan (Gambar) 05/05/2018,, halka Marxuum Cabdi Cali Max’ud oo ahaa nin shacab ah oo ka ganacsanaayay hilibka (Kawaanle) uu dilay taariikhda marka ay aheyd 27/11/2018, waxaana uu sidoo kale dhaawac xabadeed uu u gaysatay Dhibane C/raxmaan Max’ed Cali.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa xabsi daa’in ku xukuntay Maxamed Cismaan Axmed iyo Ismaaciil Aweys, kuwaasoo iyana loo heysto falal xiriira amni daro ka qeyb qaadashada.

Labadan Eedeysane ayaa loo heystaan inay qorsheynayeen dilka gabar qaadka ka ganacsatada, waxaana ka fashilmay isku dayga dilkooda, kaddib markii Ciidamo ka tirsan Booliska oo howlgal ku jiray ay gacanta ku dhigeen raggan, xilli ay wateen mooto bajaaj, kuna hubeysnaayeen Bastoolado.

Ugu dambeyn Maxkamadda ayaa sheegtay in qofkii aan ku qanacsaneyn xukunka Maxkamada uu ka qaadan karo racfaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip