Taliska Milatariga oo Ka Hadlay Hub La Sheegay in Lagala Baxay Wasaaradda Gaashaandhigga.

0
Wednesday November 13, 2019 - 10:27:50 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 50
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliska Milatariga oo Ka Hadlay Hub La Sheegay in Lagala Baxay Wasaaradda Gaashaandhigga.

    Taliska ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa si adag u beeniyay hub la sheegay in lagala baxay xarunta Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya, waxa ayna taliska u digeen dadka faafiya wararka been abuurka ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa si adag u beeniyay hub la sheegay in lagala baxay xarunta Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya, waxa ayna taliska u digeen dadka faafiya wararka been abuurka ah.


Kusimaha Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ahna Taliye kuxigeenka Gen. Maxamed Cali Bariise ayaa beeniyay wararka la baahiyay ee ku aadan in hub kala duwan lagala baxay xarunta Wasaarada Gaashaandhigga.

"Waxaan halkan ku caddeynayaa in ay been aan sal iyo raad toona laheyn ay tahay wararka sheegayain hub lagala baxasaday Wasaaradda Gaashandhigga iyo Taliska XDS. Waa been lagu marin haabaabinayo Ra’yi caamka ah ee dadweynaha oo ay hurinayaan cadowga umadda Soomaaliyeed”ayuu yiri Gen. Bariise.

Kusimaha Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo sii hadlayay ayaa yiri ”Waxaan umadda ugu bishaareyneynaa in CXDS yahay astaan u taagan ilaalinta kaaramada, qiyamka iyo midnimada umadda Soomaliyeed isaga oo marnaba aan ka leex leexan baabi’inta iyo cirib tirka cadowga”

Isaga oo sii hadlaayay Gen. Maxamed Cali Bariise ayuu ugu baaqay dadkii faafiyay wararkaaas beenta ah inay joojiyan, isla markaana ay iska daayaan faafinta wararka aan ku habooneyn in laga sheego Taliska Ciidanka Xoogga dalka.

Ugu dambeyntii Kusimaha Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ahna Taliye ku-xigeenka ayaa waxaa uu shacabka Soomaaliyeed u sheegay in Ciidanka Xooga haatan ay u taagan yihiin ilaalinta kaaramada, Qiyamka iyo Midnimada Umadda Soomaliyeed.

 
 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip