Mareykanka oo War Ka Soo Saaray Duqeyn Uu Ka Fuliyay Gobolka Jubbada Dhexe.

0
Wednesday November 13, 2019 - 08:33:41 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 46
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo War Ka Soo Saaray Duqeyn Uu Ka Fuliyay Gobolka Jubbada Dhexe.

    War-saxaafadeed ka soo baxay taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa lagu faah faahiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War-saxaafadeed ka soo baxay taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa lagu faah faahiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe.


Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya shalay oo Taariikhdu ku beegneyd 12/11/2019 ay  duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen degmada Jilib oo ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe isla markaana ay la beegsadeen Xubno ka tirsan  Al-Shabaab.

Qoraalka Africom ayaa waxaa lagu sheegay in duqeynta ay ka dhacday degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe, isla markaana lagu dilay xubin ka tirsan Al-shabaab oo halkaas ku sugnaa.

Sidoo kale Mareykanka ayaa waxaa uu tilmaamay in duqeynta wax Khasaaro ah aysan ka soo gaarin dad rayid ah, kadib markii ay baaritaano sameeyeen.

Warka qoraal ah ee ka soo baxay Taliska Mareykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano Africom ayaa waxaa lagu sheegay in ruuxa duqeynta lagu dilay ee ka tirsanaa Al-shabaab uu xiriir la lahaa ururka Al Qaacidda.

Dhinaca kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka Al-shabaab oo ku aadan in duqeyn ka dhacay degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe looga dilay xubin ka tirsaneyd.

Mareykanka ayaa sanadkaan 2019 waxa uu kordhiyey weerarada dhinaca cirka ah uu ka fuliyo Soomaaliya,waxaana Hay’adaha u dooda Xuquuqda aadanaha ee amnesty international Warbixin ay dhawaan soo saartay ay ku eedeeyay Mareykanka in duqeynta uu Soomaaliya ka wado ay ku dhintaan dad rayid ah.

Image




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip