Madaxweyne Deni oo Dhagax Dhigay Mashruuca Dayactirka Wadada isku Xirta Garoowe iyo Boosaaso -Sawirro

0
Sunday November 10, 2019 - 17:55:25 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 54
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Deni oo Dhagax Dhigay Mashruuca Dayactirka Wadada isku Xirta Garoowe iyo Boosaaso -Sawirro

    Madaxweynaha Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta dhagax higay Mashruuca Dayactirka Wadada isku xirta Garoowe-Boosaaso iyo Wadada Isku xirta Garoowe iyo Laascaanood oo ay waxyeelo kasoo gaartay Roobabkii dhowaan ka da'ay Puntland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta dhagax higay Mashruuca Dayactirka Wadada isku xirta Garoowe-Boosaaso iyo Wadada Isku xirta Garoowe iyo Laascaanood oo ay waxyeelo kasoo gaartay Roobabkii dhowaan ka da'ay Puntland.


Dayactirka Wadada Garoowe-Boosaaso iyo Garoowe-Laascaanood oo Madaxweynuhu ballan qaaday in Dowladdu ka shaqeynayso sidii dhakhso wax looga qaban lahaa, ayaa wakhtigii loo qorsheeyay maanta ka bilowmay deegaanka Sin-ujiif ee duleedka Garoowe.

Mashruucan oo lagu dayactirayo Wadada isku xirta Garoowe-Boosaaso iyo tan kale ee isku xirta Garoowe iyo Laascaanood, waxaa uu ka koobanyahay dhowr weji oo kala ah in la dhiso dhammaan meelihii ay wadadu ka burburtay, kadibna loo gudbo in la dayactiro buundooyinka iyo meelaha kale ee u muuqda kuwo u dhow inay mustaqbalka dumaan, ujeedkuna waa in Wadooyinkaasi lagu soo celiyo sidii hore loogu dhisay ama si ku dhow.

Madaxweynaha Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bogaadiyey Mashruucan iyo muhiimada uu u leeyahay Guud ahaan Puntland:

"Runtii maanta waxay noo tahay farxad inuu billaabanayo Mashruuca Wadada (Boosaaso-Garoowe) iyo (Garoowe-Laascaanood) oo aan rajeynayno intii ka googo’day wadada in lagu sameynayo dayactir mug-weyn oo aan rajeynayno in ay wadada sidii si ku dhow ay kusoo noqoto. Waa mashaariicda halbowlaha u ah dhaqaalaha dalka, kaabayaasha ugu muhiimsana ah” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Kulanka waxaa ku weheliyey Madaxweyne Deni , Masuuliyiin ka tirsan labada Gole ee Dowladda Puntland, Maamulka Gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe, Madax ka socota Shirkadda CCECC ee dalka China oo dhisaysa wadada, Masuuliyiinta Hayádda Wadooyinka Puntland, Ganacsato iyo bulshada deegaanka Sin-ujiif.

Image may contain: 2 people, people standing, sky, child, outdoor and nature


Image may contain: 4 people, people standing, sky, shoes and outdoor

Image may contain: 7 people, people smiling, people standing and outdoor

Image may contain: 9 people, people standing

Image may contain: 1 person, standing, sky, child and outdoor

Image may contain: 7 people, people smiling, people standing, sky, wedding, child, tree, outdoor and nature

Image may contain: 6 people, people standing, sky, child and outdoor

Image may contain: one or more people, people standing, sky, child and outdoor

Image may contain: 3 people, people standing, sky, shoes, child, tree and outdoor

Image may contain: one or more people, people standing, shoes and outdoor

Image may contain: 5 people, people smiling, people standing, shoes, sky and outdoor

Image may contain: 7 people, people smiling, people standing, wedding, sky and outdoor

Image may contain: 7 people, people standing, shoes, sky and outdoor

Image may contain: sky and outdoor

Image may contain: 5 people, people smiling, people standing and outdoor



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip