Diyaaradii Siday Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo Ka Degtay Beledweyne Kaddib Markii Ay Ku Sigatay...

0
Sunday November 10, 2019 - 13:35:03 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 53
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaaradii Siday Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo Ka Degtay Beledweyne Kaddib Markii Ay Ku Sigatay...

    Diyaaraddii siday Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo ay hoggaaminayeen wafdi ka socda Madasha Xisbiyada Qaran ayaa ka degtay magaalada Beledweyne.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diyaaraddii siday Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo ay hoggaaminayeen wafdi ka socda Madasha Xisbiyada Qaran ayaa ka degtay magaalada Beledweyne.


Goor sii horeysay ayaa diyaaradda waxay ku sigatay in lagu celiyo Muqdisho, kaddib markii lagu wargeliyay in aanay soo degi karin.

Duuliyaha diyaaradda ayaa la sheegay in kooxda raadaarka ee hagta diyaaradaha ku wargeliyeen in diyaaradda soo degi karin, arrimo la xiriira roobab magaalada ka da’ay, isla markaana dib ugu celiyo diyaarada Muqdisho.

Hase ahaatee Madaxdii hore ee dalka oo diyaaradda saarnaa ayaa diiday in diyaaradooda dib loogu celiyo Muqdisho, arrintan ay tahay mid siyaasadeysan, waxaana markii diyaaradda dib u laabatay uu duuliyaha ku qasbanayaaday inuu hadana laabto oo uu ka dego garoonka Beledweyne.

Sida aan wararka ku helnay diyaarada oo daqiiqado badan hawada Baladweyne hee haabeysay ayaa ugu dambeyn loo ogolaaday in ay kasoo degto garoonka kadib wadahadalo dhax maray wafdiga Shekh Shariif iyo maamulka Garoonka.

Garoonka diyaaradaha magaalada Baladweyne waxaa kusoo dhaweeyay wafdiga Madaxdii hore Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle iyo xubno katirsan maamulka Hirshabelle, waxaana wafdiga loo galbiyay magaalada Baladweyne ay u tageen in ay soo arkaan xaalada ka jirta sidoo kale deeq geeyaan.

Madasha Xisbiyada Qaran uu hogaamiyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaan wali si rasmi uga hadlin xanibaadii saakay garoonka Muqdisho lagula sameeyay in sidoo kale is hortaagii lagu sameeyay in ay ka degaan garoonka diyaaradaha Baladweyne.

Goor sii horeysay waxaa jirtay in muddo saacado ah lagu xayiray wafdiga ay la socdeen Madaxweyanyaashii hore, isla markaana lagu amray in aanay diyaaradooda garoonka ka dhoofi karin, iyadoo maamulka Saadaasha Hawada ku andacoonayo in diyaarada aanay ka degi karin Beledweyne, maadaama roobab ay ka da’een.







Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip