Madaxweynayaashii Hore Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo u Dhoofay Baladweyne.

0
Sunday November 10, 2019 - 12:10:01 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 53
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynayaashii Hore Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo u Dhoofay Baladweyne.

    Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho waxaa Goordhow ka duushay diyaarad sida wafdiga Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho waxaa Goordhow ka duushay diyaarad sida wafdiga Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh.


Labada Madaxweyne hore iyo xubno kale oo la socda ayaa u duulay dhinaca magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaas ay u aadeen in ay gurmad u fidiyaan dadkii fatahaada saameesay sidoo kale soo arkaan xaaladooda.

Diyaaradii qaadi laheyd wafdiga labada Madaxweyne hore hor kacayeen ayaa saacado badan ku xanibneyd garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho kadib markii loo diiday in ay halkaasi ka dhoofaan.

Wafdiga ka socda Madasha Xisbiyada Qaran ayaa waxaa hoggaaminaya Guddoomiyaha Madasha Sheekh Shariif, waxaana wehliya Madaxweynihii hore Xasan Sheekh, Xildhibaan C/qaadir Cosoble iyo xubno kale.

Tallaabada ayaa markii hore sababtay jawhareer, iyadoo madaxdii hore iyo wafuudii la socotay ay ku adkeysteen in aanay garoonka ka bixi doonin, illaa ay diyaaradda ka raacaan.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa saaka lagu waday inuu u ambabaxo magaalada Beledweyne, hase ahaatee markii dambe ka baaqday.

Arrintan ayaa u muuqatay loolan labada dhinac, dowladda iyo Madasha Xisbiyada Mucaaradka, waxaana dad badan ay dhaliileen tallaabada siyaasadeysan ee lagu hor-istaagay wafdiga Madasha Xisbiyada Qaran ee gurmadka u waday Beledweyne.

Gudoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh ayaa la filayaa marka ay tagaan magaalada Baladweyne in la hadlaan Warbaahinta kana hadlaan xaalada magaladaasi iyo xanibaadii maanta lagu sameeyay.

Madasha Xisbiyada Qaran uu hogaamiyo Sheekh Shariif ayaa lacag badan ugu yaboohday dadka ay saameesay fatahaada wabiga Shabelle ee ku dhaqan nmagaalada Baladweyne, waxaana la filayaa in magaaladaasi gaarsiiyaan lacagta ay ku deeqeen.







Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip