Al-Shabaab oo Soo Bandhigay Kooxdii Weerartay Saldhigga Ciidamada Mareykanka ee Balli-doogle -Sawirro

0
Wednesday November 06, 2019 - 08:07:12 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 57
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Shabaab oo Soo Bandhigay Kooxdii Weerartay Saldhigga Ciidamada Mareykanka ee Balli-doogle -Sawirro

    Al-Shabaab ayaa soo bandhigay muuqaalka raggii weeraray 30 September Saldhigga Ciidamada Mareykanka ee Balli-doogle, waxaana muuqaalka ku jira Amiirka Al-Shabaab oo la dardaarmaya raggii weerarka geystay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Al-Shabaab ayaa soo bandhigay muuqaalka raggii weeraray 30 September Saldhigga Ciidamada Mareykanka ee Balli-doogle, waxaana muuqaalka ku jira Amiirka Al-Shabaab oo la dardaarmaya raggii weerarka geystay.


Muuqaalkan oo soconaya ku dhowaad 50 daqiiqo ayaa amiirka Al-Shabaab waxaa uu farriin hanjabaad ah u diray Mareykanka, waxaa uu sheegay in xarunta ballidoogle ay tahay halka laga soo abaabulo weerarada Muslimiinta, kana soo duulaan diyaaradaha Drones.

Abuu Cubeyda ayaa sheegay in hadafkooda ugu weyn uu yahay Saldhigga Ballidoogle ee Mareykanka.

"Hadafka ugu weyn ee aan beegsaneyno waa Mareykan, Murtadiin hadda ma dooneyno, waxa aan u socono oo aan hadda beegsaneyno oo intaan dadaal ah loo sameeyey waa Mareykan, waxaana leydinka rabaa inaad howshaas iyada ah sugtaan oo aad Allaah u talo saarataan” ayuu yiri Abuu Cubeyda.

Sheekh Axmad Cumar Abuu Cubeyda, Amiirka Xarakada Al-Shabaab ayaa sidoo kale soo hadal qaaday taageerada joogtada ah ee uu Mareykanku siiyo dowlada uu hogaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

"Madaxdiinu waa kuwa dhidibada u taagay dowlad ku sheeg hamigeedu yahay raaligelinta gaalada, fulinta qawaaniintooda kufriga iyo u hogaansanka shuruucdooda. Hogaanka dowlad ku sheega Federalka ayaa ku faana, fagaarahana la taagan inaysan marnaba shareecada Islaamka ku dhaqmin, dawarsiga shisheeyahana ka doorbidaan ku dhaqanka diinteena suuban” ayuu yiri.

Filimka waxaa ka soo muuqanaya amiirka Xarakada Al-Shabaab Sheekh Axmad Cumar Abuu Cubeyda oo wejigiisa la qariyey. lana arkayo gacmaha iyo qeyb yar oo ka mid ah jirkiisa, wuxuuna hadalo dardaaran iyo sagootin ah u jeedinaya dagaalyahandii fuliyey weerarkii saldhigga Bali-doogle.

Al-Shabaab ayaa u adeegsaday weerarkii Balli-doogle gawaari qaraxyo ah, inkastoo gawaarida qaar la arkayay iyadoo la duqeeyay, ka hor inta aysan is qarxin, sidoo kale dagaalamayaasha weerarka qaaday ayaa la sheegay in la dilay, iyagoo aan gaarin goobihii ugu dambeeyay ee Saldhiga, waxaana ammaanka Saldhigga yahay mid aad u adag oo laga ilaaliyo goobo fog fog, isla markaana diyaarado kuwa wax basaasa ay dusha sare ka gaaf wareegaan.

 












Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip