Dib U Dhac Ku Yimid Safarkii Baladweyne ee Sheekh Shariif Iyo Xasan Sheekh.

0
Tuesday November 05, 2019 - 13:10:47 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 40
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dib U Dhac Ku Yimid Safarkii Baladweyne ee Sheekh Shariif Iyo Xasan Sheekh.

    Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa Maanta waxaa lagu waday inay gaaraan Wafdi ay hogaaminayaan Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya ee Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif, hayeeshee dib u dhac ayaa ku yimid Safarkoodka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa Maanta waxaa lagu waday inay gaaraan Wafdi ay hogaaminayaan Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya ee Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif, hayeeshee dib u dhac ayaa ku yimid Safarkoodka.


Kulan xalay ku yeesheen magaalada Muqdisho Madasha Xisbiyada Qaran ayaa lagu magacaabay guddiga gurmadka ee Madashaasi, waxaa sidoo kale lagu go’aamiyay in Hogaanka Madasha iyo Xasan Sheekh in ay tagaan Baladweyne.

Wafdigan ay hogaamin lahaayeen Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ayaa la filayay in ay qiimeyn kusoo sameeyaan inta ay la egtahay dhibaatada ka dhalatay fatahaada Wabiga Shabdelle ka sameeyay magaalada Baladweyne.

Sanoter Ilyaas Cali Xasan oo katirsan Madasha Xisbiyada Qaran ayaa xaqiijiyay in safar saakay ku tagi lahaayeen Baladweyne Madaxdii hore ee dalka uu baaqday kadib markii uu xirmay garoonka Diyaaradaha Baladweyne.

Waxa uu sheegay in xalay iyo saakay roobab saacay badan socday ka da’een magaalada Baladweyne ayna sababeen roobabkaasi in uu xirmo biyana fariistaan garoonka diyaaradaha magaalada Baladweyne.

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa qorsheesay in magaalada Baladeweyne gaarsiiyaan gar gaar loogu tala galay in lagu caawiyo dadka ay saameesay fatahaada Wabiga Shabelle ee hada kunool duleedka magaalada Baladweyne.

Dowladda Soomaaliya ayaa iyana lagu waday in Maanta ay diyaarado gargaar sida u dirto Magaalooyinka Baladweyne iyo Bardaale,hayeeshee uu saameyn ku yeelan karo Roobka xiray Garoonka Magaalada Baladweyne.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip