Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Dhaqaalihii ugu Horeeyey Ka Heshay Shidaalka Somalia.

0
Friday October 25, 2019 - 13:36:34 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 49
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Dhaqaalihii ugu Horeeyey Ka Heshay Shidaalka Somalia.

    Dowladda federaalka ee Soomaaliya oo sanadihii dambe ku hawlaneyd sidii looga faaideysan lahaa kheyraadka dalka ayaa markii ugu horeysay dhaqaale ka soo xerooday kirada xirmooyinka shidaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda federaalka ee Soomaaliya oo sanadihii dambe ku hawlaneyd sidii looga faaideysan lahaa kheyraadka dalka ayaa markii ugu horeysay dhaqaale ka soo xerooday kirada xirmooyinka shidaalka.


Wasiir ku-xigeenka Batroolka iyo macdanta ee dowladda federaalka ee Soomaaliya, Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal ayaa xaqiijiyey in wasaaradiisu heshay dhaqaalihii ugu horeeyey ee ka soo xerooday shidaalka Somalia.

"Kadib dadaalo badan oo ay maxdaxda wasaaradda batroolka iyo macdanta ee fowladda federaalka ee Soomaaliya ka samayeen dib u soo celinta xiriirka shirkadaha ku leh xirmooyin shidaal iyo kuwo kale oo maal gashi cusub ka samaysta Soomaaliya ayaa waxaa lagu guulaystay in lagu qanciyo shirkadahaas lagu leeyahay kirada xirmooyinka ay haystaan” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Batroolka.

Waxaa uu inta raaciyay in heshiis ku saabsanaa bixinta kirada xirmooyin Shidaal oo ay galeen wasaaradda batroolka iyo macdanta iyo Shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil bishii Juun ee Sanadkan, shirkadahaasna ay dowladda federaalka u shubeen lacag dhan 1.7 milyan oo doolar.

Waxaa kale oo uu wasiir ku xigeenka sheegay in lacagtaas ay tahay qeybtii u horeeysay ee ah kirada shirkadahaas lagu lahaa soddonkii sano ee la soo dhaafay.

Wasiir ku xigeenka ayaa sidoo kale ka hadlay qaabka lacagahaas ay u qeybsan doonaan dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada, maadaama ay horay ugu heshiiyeen qeybsiga kheyraadka dalka ee heshiiskii Baydhabo.

"Maamulka Lacagtan ayaa ku salaysnaan doona heshiiskii kheyraad wadaaaga ee ay kala saxiixdeen Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada” ayuu shaaciyay wasiir Ku xigeenka batroolka iyo macdanta ee Dowladda Federaalka, Maxamud Cabdiqaadir Hilaal.

Bil kahor ayay ahayd markii shir lagu lafa gurayay sida looga faa'ideysanayo kheyraadka shidaalka uu leeyahay dalka Soomaaliya oo ay soo abaabushay wasaaradda macdanta iyo batroolka ee dowladda federaalka Soomaaliya lagu qabtay magaalada Addis Ababa.

Shirka waxaa ka soo qeyb galay dhammaan maamul-goboleedyada iyo khuburo dhanka shidaalka ah oo ka socda dalka Norway, waxaana diiradda lagu saarayay diyaar garoowga soo saarista kheyraadka Soomaaliya gaar ahaana shidaalka.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda macdanta iyo batroolka Soomaaliya Maxamuud Cabduqaadir Hilaal ayaa sheegay in shirka uu ahaa mid wax ku ool ah ayna muhiimadiisu ahayd in aqoon ahaan iyo xirfad ahaanba la fahmo loona diyaar garoobo qaabka loo soo saarayo iyo nooca uu yahay shidaalka.

Maxamuud Cabduqaadir ayaa sidoo kale sheegay in laga gaashaamanayo in marka shidaalka la soo saaro uusan khatar ugu noqon dadka iyo bayaduba.

Bishii Febraayo ayaa magaalada London waxaa lagu qabtay shir looga hadlayay arrimaha shidaalka Soomaaliya kaas oo uu ka qeyb galay wasiirka macdanta iyo betroolka ee Soomaaliya.

Balse Qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa waxay shirkaasi London ku tilmaameen mid lagu"xaraashayay" kheyraadka Soomaaliya.

Dhanka kale dowladda Soomaaliya ayaa beenisay warkaas waxa ayna sheegtay in shirkii London uu ahaa mid lagu soo bandhigayay macluumaadka sahmin shidaal oo Soomaaliya laga sameeyay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip