Safiirka Dowladda Mareykanka ee Dalka Kenya oo Muqdisho u Yimid Arrinta Muranka Badda.

0
Tuesday October 22, 2019 - 13:34:50 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 38
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safiirka Dowladda Mareykanka ee Dalka Kenya oo Muqdisho u Yimid Arrinta Muranka Badda.

    Safiirka Mareykanka u jooga dalka Kenya Kayle McCarter, ayaa booqasho aan horey loo shaacin ku yimid magaalada Muqdisho, waxa uuna safiirka kulan gaar ah oo looga hadlay arimo xasaasi ah la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safiirka Mareykanka u jooga dalka Kenya Kayle McCarter, ayaa booqasho aan horey loo shaacin ku yimid magaalada Muqdisho, waxa uuna safiirka kulan gaar ah oo looga hadlay arimo xasaasi ah la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo.


Wargeyska Daily Nation ayaa wareysi la yeeshay Safiirka Mareykanka u jooga Kenya Kayle McCarter, iyadoo mid ka mid ah su’aalaha la weydiiyay ay la xiriirtay muranka badda ee dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya iyo waxa uu yahay mowqifka Mareykanka.

Kyle McCarter ayaa sheegay in Mareykanka ay ka shaqeyneyso in wax walba lagu xaliyo miiska wada hadalka, wuxuu kaloo tilmaamay inuu Muqdisho tagay, kalana hadlay Madaxweyne Farmaajo inuu dacwada ka soo saaro maxkamada, oo arrinta wadahadal lagu xaliyo.

"Arrinta waa in si dhaqsa ah wax looga qabtaa, waxaan kala shaqeynay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmajo iyo Uhuru Kenyatta, sidii ay miiska wadhadalka u yimaadaan, aniguna waxaan tegay Magaalada Muqdisho, si aan Madaxweyne Farmajo uga la hadlo arrintan, waxaana ku iri isaga bax kiiska maxkamadda” ayuu yiri safiirka Mareykanka u fadhiya Kenya.

Sidoo kale waxaa uu intaa ku daray in Farmaajo iyo Uhuru ay u sheegeen in caqabada ugu weyn ay tahay in laga adkaado Al-Shabaab.

"Waxaan u sheegay Farmaajo iyo Kenyatta in caqabadda ugu weyn ay tahay in laga adkaado Al-Shabaab, taasina waa sida kaliya ee aan uga faa’iidaysan karno guulaha dhaqaalaha buluugga ah”ayuu yiri Safiirka Mareykanka u jooga Kenya.

Isagoo sii hadlayay ayaa yiri "Madaxweyne Kenyatta wuxuu sameynayaa wax walba oo karaankiisa ah waana ku sii wadi doonnaa dadaallada aan ku xallineyno arrinta”

Dowladda Somalia ma sheegin socdaalka uu Kyle McCarter ku yimid Muqdisho, kaas oo u muuqda inuu qarsoodi ahaa, balse hadalkaan ayaa imaanaya iyadoo todobaadkii la soo dhaafay ay Maxkamadd ICJ dib u dhigtay wajiga labaad ee dhageysiga muranka badda ee Kenya iyo Soomaaliya, taasoo shaki badan dhalisay sababta mar labaad dacwadaas dib loogu dhigay.

Waxaa muuqata caqabad weyn madaama Mareykanka oo galaangal badan ku leh arrimaha Soomaaliya iyo adduunka, isla markaana uu doonaayo in meel ka baxsan maxkamada lagu xaliyo doodda badda ee Soomaaliya iyo Kenya, tiiyoo ay jirto in wajiga labaad ee doodda lagu aadiyay xilli ay Somalia ku jirto xaalad doorasho.

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xassan Sheikh Maxamuud oo dhowr maalmood kahor ka hadlay dib u dhigista dacwadda badda ayaa sheegay in dowladda looga fadhiyo in shacabka ay siiso jawaab waafi ah oo ku aadan waxa ku dhacay dhageysiga dacwadda badda oo mar labaad dib loo dhigay isbuuc ka hor.

"Maxaa ku dhacay dacwadii baddeena ee tiilay maxkamada ICJ? Shacabkeenu waxa ay xaq u leeyihiin inay ogaadaan sababta dib loogu dhigey?”ayuu Xasan Sheekh Maxamuud ku daabacay bartiisa Twitter-ka.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale is weydiiyay in dib u dhigista dacwadda badda ay tahay mid hordhac u ah in meel aan maxkamada ahayn lagu galo dacwada.

Maxkamadda oo horay u sheegtay in dhageysiga dacawdda la qaban doono bisha Nofeembar ee sandkan ayaa ka dib dalab kale oo Kenya ay gudbisay amaraty muddo hor leh oo ah bartamaha sanadka soo socdo.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip