Ahlu Sunna oo Magacawday Guddiga Doorashada iyo Xalinta Khilaafaadka Galmudug.

0
Tuesday October 22, 2019 - 10:17:44 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 43
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ahlu Sunna oo Magacawday Guddiga Doorashada iyo Xalinta Khilaafaadka Galmudug.

    Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa qoraal uu soo saaray ku magacaabay guddigaFarsamada doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka Galmudug.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa qoraal uu soo saaray ku magacaabay guddigaFarsamada doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka Galmudug.


Qoraal kasoo baxay Madaxa Xukuumadda Galmudug ayaa lagu Magacaabey Guddigaas oo ka kooban 11 xubnood, waxaana lagu sheegay in uu ku saleysan yahay heshiiskii ay wada galeen Dowladda federaalka iyo Maamulka Galmudug.

Guddigan ayaa ka hor-imaanaya Guddigii Farsamada ee horay ay u magacawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, kaasoo ay wadajir uga soo hor-jeesteen Ahlusuna iyo Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Galmudug.

Magacaabida Guddigan ayaa imaanaya, xilli magaalada Dhuusamareeb ku sugan yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye, waxaana xalay jiray kulan ay yeesheen wasiirka iyo Sheekh Maxamed Shaakir, kaasoo aan wax natiijo ah ka soo bixin.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa isku diyaarineysay in maalmaha soo socda ay geyso magaalada Dhuusamareeb Guddigii farsamada ee 13-ka xubnood ahaa ee ay dhowaan magacawday, waxaana muuqata in khilaaf cusub oo durba ka taagan yahay hannaanka dhismaha Maamulka Galmudug.

Si kastaba Galmudug ayaa haatan yeelaneysa laba Guddi farsamo oo soo dhisaya Galmudug,kadib markii Sheekh Shaakir uu magacaabay Guddi kale.

Hoos Ka Akhriso Magacyada guddiga uu Magacaabey Sheekh Maxamed Shaakir:-




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip