Xisbiga Talada Haya ee Dalka Canada oo Mar Kale Ku Guuleystay Doorashada Dalkaas.

0
Tuesday October 22, 2019 - 10:01:12 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 39
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Talada Haya ee Dalka Canada oo Mar Kale Ku Guuleystay Doorashada Dalkaas.

    Xisbiga Liberal-ka ee talada haya dalka Canada ee uu hoggaamiyo Ra'iisul Wasaaraha dalkaas Justin Trudeau ayaa mar kale ku guuleystay doorashadii dhacday, taasoo mar kale ka dhigeysa inuu dalkaas sii hoggaamiyo markii labaad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga Liberal-ka ee talada haya dalka Canada ee uu hoggaamiyo Ra'iisul Wasaaraha dalkaas Justin Trudeau ayaa mar kale ku guuleystay doorashadii dhacday, taasoo mar kale ka dhigeysa inuu dalkaas sii hoggaamiyo markii labaad.


Inkastoo aanu Xisbiga Trudeau ku guuleysan kuraastii loo baahnaa ee Aqalka Baarlamaanka, hadana waxaa laga doonayaa inuu kaashado axsaabta siyaasadda kale, si uu u soo dhiso dowlad isbaheysi ah, maadaama uusan helin aqlabiyadii loo baahnaa.

Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa muddooyinkii u dambeeyay wajahayay fadeexado ku soo baxay xilligii Ololaha doorashada, waxaana Xisbigiisa uu loolan adag kala kulmay Xisbiga Midigta dhexe ee loo yaqaano Conservative-ka.

Xisbiga Liberal-ka ayaa xilka heyn doona afarta sano ee soo socota, waxaana guusha ay ka soo hoyeen doorashada laga soo dhoweeyay gobolada ay ku xooggan yihiin taageerayaasha Xisbigaas

Waxaa wali dalkaas ka socda tirinta codadka, waxaana aan la ogeyn tirada kama dambeysta ah ee uu heli doonaa xisbi walba, hasayeeshee haddii saadaasha la bixnayo ay dhab noqoto, waxaa ay niyad jab ku noqon doontaa hogaamiyaha mucaaradka, Andrew Scheer oo aad ugu raja weynaa in uu guuleysan doono.

Telefishenka dalkaas ee CBC ayaa kusoo warramaya in xisbiga talada haya uu ku guuleysan doono saddexda kursi ee ugu saameynta badan ee gobolka Atlantic, kuwaas oo kala ah Cardigan, Beauséjour iyo Halifax West.

Arrintan ayaa sidoo kale waxay niyad jab ku tahay hogaamiyaha mucaaradka Mr Scheer, oo ku ololeynayay in uu wax ka qaban doono adeegyada bulshada ee dalka Canada.

Natiijada doorashada Canada ayaa sidoo kale loo arkaa in ay war wanaagsan u tahay xisbiga New Democratic Party iyo hogaamiyahooda Jagmeet Singh, oo ay u badan tahay in ay qeyb ka noqon doonaan dowladda xigta ee uu soo dhisi doona ra'iisul wasaaraha dalkaas.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip