Kooxo Hubeysan oo Nabadoono Ku Dilay Magaalooyinka Kismaayo iyo Afgooye.

0
Monday October 21, 2019 - 09:46:24 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 41
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxo Hubeysan oo Nabadoono Ku Dilay Magaalooyinka Kismaayo iyo Afgooye.

    Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa xalay fiidkii magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland waxa ay ku dileen Ganacsade caan ah oo sidoo kale kamid ahaa waxgaradka magaaladaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa xalay fiidkii magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland waxa ay ku dileen Ganacsade caan ah oo sidoo kale kamid ahaa waxgaradka magaaladaasi.


Goobjoogayaal ayaa ku waramay in dhalinyaro biskoolado ku hubeesan xaafada Calanley ku dileen ganacsade  Xaaji Saciid Ciise (Saciid Addoon), kooxihii dilka geestay ayaana goobta si deg deg ah uga baxsaday.

Ganacsadaha la dilay oo sidoo kale kamid ahaa waxgaradka caanka ka ah Kismaayo ayaan wali la ogeyn sababta loo dilay iyo cida dilkiisa ka dambeesay, waxaana dilkan aad uga naxay dadka ku dhaqan Kismaayo.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland Cabdinuur Ibraahim Xuseen ayaa guud ahaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaan dadka Jubbaland marka hore uga tacsiyeeyey dilka ganacsadaha.

Afhayeenku wuxuu sheegay in laamaha Amniga Jubbaland ay haatan wadaan baaritaanno ku saabsan in gacanat lagu soo dhigo dadkii ka dambeeyey dilkaas.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa siyaabo kala duwan loogu dilay mudooyinkii ugu dambeeyay waxgarad magaaladaasi caan ka ahaa, dilalkaasi qaarkood ayaa la tuhmayaa in ay ahaayeen kuwa siyaasadeed uu maamulka Jubbaland maleegay.

Dhinaca kale Kooxo hubeysan ayaa gelinkii dambe ee shalay waxay ku dileen xaafada 21 October ee degmada Afgooye Nabadoon Ibraahim Maxamed Ibraahim oo loo yaqaano Labane.

Nabadoonkan ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa ergadii soo dooratay Xildhibaanada Koofur Galbeed, waxaana lagu dilay meel ku dhow bar koontarool oo ciidanka amniga lahaayeen, iyadoo kooxdii dilka geystay ay baxsadeen.

Ciidamo katirsan booliska Soomaaliya ayaa waxaa ay saacadihii la soo dhaafay howlgal dad lagu qabqabtay ka sameeyeen xaafado katirsan degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka ayaa Ciidamada waxaa ay sigaar ah uga sameeyeen Xaafada 21 Oktoobar halkaas oo Kooxo hubeysan ku dileen Nabadoon Ibraahim Maxamed Ibraahim kana mid ahaa Ergadii soo dooratay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan laamaha Amniga Afgooye ayaa sheegay in dadka howlgalka lagu qabtay la kala saaray,isla markaana qaarkood la siidaayey halka qaarkood ay baaritaano ku hayaan.

Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay kamid tahay degmooyinka ugu amniag xun Gobolkaasi Shabeellaha hoose,waxaana inta badan ka dhaca dilal kala duwan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip